|

Theo Walcott Iyo Andriy Shevchenko Oo Shaki Uu Ku Jiro Inay Ciyaari Karaan Kulanka Berri.

Custom Search

England (Berberanews Sports):- Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara England Theo Walcott iyo weeraryahanka Ukraine Andriy Shevchenko ayaa labadoodaba shaki uu ku jiraa inay ka qeyb qaadan karaan kulanka labada xul u dhaxeeya ee Group D ee habeen danbe la ciyaarayo.

Walcott ayaa dhaawac uu ka soo gaadhay tababarkii shalay, waxaana tababare Roy Hodgson uu qirtay inuu shaki ku jiro inuu ciyaari karo kulanka Ukraine.

Hodgson ayaase sheegay in dhaawaca Walcott aanuu ahayn dhibaato ku cusub, balse uu ahaa dhaawac ku qasbay ciyaaryahanka inuu ka baxo garoonka tababarka.

Dhinaca kale 35 jirka Shevchenko ayaa isna dhibaato ay ka heysataa jilibka bidix, ka dib markii uu taakalo kala kulmay kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Sweden.

Shevchenko ayaa dhaliyay labadii gool ee xulkiisa uu ku garaacday Sweden, waxaana uu ciyaaray kulankii ay guuldarada ka soo gaadhay France, lakiin waxaa laga yaabaa inuu seego kulanka England.

Mustafe Maxmamud ‘kastam’

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17388

Posted by on Jun 18 2012. Filed under CAYAARAHA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta