BREAKING NEWS
Hargeysa (Aftahannews)- Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa qirtay in ay duqayn dhanka cirka ah ku laayeen tobonaan qof oo rayid ah oo saarnaa gaadhi bas ah bishii lasoo dhaafay uuna ahaa khalad militari oo aan bareer ahayn. Baadhitaan uu sameeyey isbahaysigu ayaa lagu ogaaday in khalad uu dhacay – wuxuuna sheegay in dadkii masuulka ka ahaa weerarka lala xisaabtamo. Dalka Yeman oo dhibaato ay ka taagan tahay Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen. Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedhay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka. Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay. Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay badhtilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.
Search

Trump oo shaqada ka eryay xoghayihiisii arrimaha dibedda Rex Tillerson

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweyne Donald Trump, ayaa ka qaadey xilkii xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Rex Tillerson, isagoo ku badaley Mike Pompeo oo ah madaxa hey’adda sirdoonka ee CIA-da.

Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay fariin uu ugu mahadcelinayo xoghaye Tillerson shaqadii uu soo qabtey, isagoo dhanka kale sheegay in xogyaha cusub uu qaban doono shaqo cajiib ah.

Tillerson, oo ahaa madaxii hore ee shirkadda ExxonMobil, ayaa loo magacaabay jagadan sanad uun kahor.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Gina Haspel, iney noqoto haweeneydii ugu horeysay oo madax ka noqota hey’adda sirdoonka CIA-da.

Waxaa jiray warar sheegaya inay jireen kala aragti kala duwanaansho Rex Tillerson iyo Aqalka Cad, iyadoo Mareykanku uu wajahayo xaalad sugnaansho la’aan la xidhiidha siyaasaddiisa arrimaha dibedda, gaar ahaan dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Iiraan.

Bishii October ee lasoo dhaafey, Tillerson ayaa ku qasbanaaday inuu qabto shir jaraa’id, si uu u beeniyo warar sheegayey inuu doonayo inuu is casilo.

Deyrtii ina dhaaftey, ayuu Trump ku bahdliay bartiisa twitter-ka ganacsadahan hore, isagoo sheegay in Tillerson uu isaga luminayo waqtigiisa la xaajoodka dalka ku hubeysan hubka Nuclear-ka ee Kuuriyada Waqooyi.

Tillerson ayaa laga soo wariyey inuu aad ula yaabay sida ay u hoosayso aqoonta Trump uu u leeyahay maareynta siyaasadda dibadda.

Wargeyska New York Times oo soo xigtay masuuliyiin, ayaa sheegay in Trump uu aad uga cadhooday marar badan hab dhaqanka xoghaye Tillerson marka lagu jiro shirarka.

Xigasho Bbc Somali

Share Button
Please follow and like us:
0