Uefa Ayaa Ku Dhawaaqday Garsoorayaasha Qaban Doona Ciyaaraha Semi-finalka Euro 2012.
(Berberanews Sports):- Uefa ayaa ku dhawaaqday garsoorayaasha qabanaya ciyaaraha semi-finalka Euro 2012 ee u dhaxeeya Spain iyo Portugal, Germany iyo Italy.
Semi-finalka ugu soo horeeya waxa uu habeenka arbacada ka dhici doona Donetsk, iyadoo xulka Seleccao ee Portugal ay la ciyaari doonaan xulka difaacanaya koobka qaramada Yurub ee Spain. Garsooraha Turkiga Cuneyt Cakir ayaa qaban doona ciyaartaas, isagoo caawimaad ka helaya calanwadayaasha wadankiisa ee Bahattin Duran iyo Tarik Ongun. Ninka reer Slovenia Damir Skomina ayaa noqon doona garsooraha afaraad.
Semi-finalka labaad waxa uu dhexmari doonaa habeenka khamiista Germanay iyoItaly, waxaana dhex dhexaadin doona garsooraha Faransiiska Stephane Lannoy, iyadoo calanwadayaal ay u noqon doonaan Frederic Cano iyo Michael Annonier.
Garsooraha England u dhashay Howard Webb ayaa noqon doona kulankaas garsooraha afaraad, isagoo rajo ka leh inuu qabto finalka sidii uu sameeyay koobkii adduunka ee South Afrika.
Mustafe Maxamud
Kastam@berberanews.com
Berberanews Sports
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17799




-
Designed by