|

Urur-goboleedka IGAD oo daboolka ka qaaday taageerooyin uu Somaliland u fidin doono

Hargeysa-(Berberanews)- Xoghayaha guud ee urur-goboleedka IGAD Md. Maxbuub Macalin ayaa sheegay inay dawlada Somaliland kala hadlayaan mashaariicda Urur goboleedkaasi ka taageeri karo dalkan.

Xoghayaha guud ee IGAD, oo maanta booqasho ku yimi magaalada Hargeysa ee xarunta dalka Somaliland, waxa galabta ka soodegay gegada diyaaradaha Cigaal ee Caasimadda Hargeysa, isla markaana waxa uu ka warbixiyey ujeeddada safarkiisa uu Somaliland ku yimi. “Waa markii saddexaad ee aan imaado Somaliland Magaaladda Hargeysa, labada goor ee ee aan imidna shaqo ayaanu isla bilawnay dawladda Somaliland, waxaana iga soo horreeyey Saraakiil ila shaqeeya oo dhinaca Jabuuti ka yimid, waxyaabo badan oo ku saabsan sidii dawladda Somaliland wax loola qaban lahaa ayaanu dhowr goor ka wada hadalay, Wasaaradda Khaarajiga iyo Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, markaa arrimahaas wixii ka fulay iyo waxa nalaga tabanayo iyo waxa aanu isla qaban karno ayaanu eegaynaa.”Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Ururka IGAD Maxbuub Macalin.

Xoghayuhu waxaa uu intaa sii raaciyey “Qorshihii aanu isla dejinay Dawladda Somaliland ee ahaa Labaatan sano meesha uu gaadhay iyo wixii kale aanu kala qaban karno ayaanu u nimid inaan eegno, wixii naloo sheegana waanu dhegeysanaynaa.Waxaanu ballan qaadnay inaanu Toban Arday geyno Jaamacadda ku taala Kambaala ee Uganda Haraare, shantii ugu horeeyeyna way tageen, waxaanay galeen Sannadkii saddexaad oo Imtixaankii ay u fadhiisteen natiijo wanaagsanna way ka gaadheen, taas oo muujinaysaa inuu Iskuulka sheekh yahay mid aad u sareeya.”

 “Shanta kalena waa noo diyaar, laakiin waxaa nalaga codsaday in loo yara daayo Iskuulkooda, Bisha soo socotana way tegi doonaan, ardayda ka soo bixi doona Iskuulka sheekhna waa loo raadin doonaa, Iskuulka sheekhna waxaa la wareegtay IGAD oo maalgelin ayaanu ku samayn doonaa wixii Sannadkan ka dambeeya.”ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Urur-goboleedka IGAD Maxbuub Macallin.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Share Button

You must be logged in to post a comment Login