Ururka Kulan London: Hambalyo Murrashaxnimada Caasha Xuseen Maraykan
Custom Search
Anagoo ah Ururka Kulan London waxaanu Hambalyo u direynaa Marwo Caasha Hussein Mareykan oo Dhawaan Shaacisey in ay isu soo taagi doonto Golaha Degaanka ee Gobolka Saaxil iyada oo iska soo sharaxeysa Ururka Wadani.

Hadaba Caashi waa Tuma? Caashi waa aqoon yahan ruug cadaa ah oo ka soo shaqeysey Hayado badan iyo ururo badan oo aad uga shaqeeya arimaha Bulshada. Caashi waa Siyaasiyad Gaamurtey oo u ololeysa Qadiyada Somaliland, waxaaney xubin Fir-fircoon oo Golaha Dhexe ah ka ahaan jirtey Xisbigii Ucid intii aanu Kala jabin. Marwo Caashi waxaa ay aas-aaskeeda laheyd Hadana ay Horjooge ka tahay ururka ay ku midoobeen Haweenka reer Somaliland ee UK ee loo soo Gaabiyo ( SLWA).
Musharaxnimada Caasha waxaa Hore u taageeray Aqoonyahano badan oo ka mid ah Qurbo joogta iyo Qol-qoljoogta reer Somaliland , waxaana ay isku raaceen in ay Marwo Caashi tahay Marwo aqoon yahan ah oo u qalanta in ay xubin adag ka noqoto Golaha Degaanka ee Gobolka Saaxil.
Ka dib markii waayo aragnimada Caasha dib loo bilicsadey waxaa la iska gartey oo la isku raacey in Caashi wax badan oo la taaban karo ku soo kordhin karto Arimaha Bulshada ee gobolka Saaxil iyo Guud ahaan Somalilandba maadaamaay ay wadato waayo aragnimo fog oo ay ka dhaxashey Hayadihii ay la soo shaqeysey. Waxaanu leenahay Hambalyo = Hambalyo iyo Guul ayaanu kuu rajeyneynaa. Waxaana aanu kula dar-daarmeynaa Shacabka reer Somaliland gaar ahaan Bulsho weynta reer Saaxil in ay taageero Buuxda siiyaan Musharax Marwo ,Caasha Hussein Mareykan,
Waa Bilaahi Tawfiiq,
Alleh ayaa Mahada leh,
Ururka Kulan London
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17031



