Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo cambaareeyay xadhigga weriyayaal lagu xidhay Hargeysa
Hargeisa (Berberanews) – Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyay xadhigga laba Suxufi oo maanta lagu xidhay magaalada Hargeisa.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo maanta warsaxaafadeed ka soo saaray magaalada Hargeisa, ayaa dhaliilay xadhigga Xasan Cumar Xasan oo ka tirsan Wargeyska Ogaal iyo Maxamed Cabdi Xasan (Boosh) oo ka tirsan shabakadda wararka ee Ramaasnews.
Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Maxamed Axmed Jaamac (Calooley) oo ka mid ah guddida ilaalinta anshaxa iyo xuquuqda suxufiga ee Ururka SOLJA, waxa uu dhignaa sidan;
“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu cambaaraynayaa xadhigga lagula kacay labada Suxufi ee Xasan Cumar Xasan oo ka tirsan Wargeyska Ogaal iyo Maxamed Cabdi Xasan (Boosh) oo ka tirsan Shabakadda wararka ee Ramaasnews, kuwaas oo si aan waafaqsanayn shuruucda dalka xorriyaddoodii looga qaaday maanta oo ay taariikhdu tahay 20 February 2012, iyada oo lagu eedeeyay inay qoreen war.
Tebinta xogta iyo wararku waa tiir ka mid ah tiirarka ay u taagan tahay saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland, isla markaana waxa waajibinaya shuruucda dalka u taala, gaar ahaan qodobka 32 ee Dastuurka Qaranka, waxase mar walba waajib ah in la dhawro shuruucda dalka u taalla. Waxase mar walba aanu ka horjeednaa tallaabo kasta oo ka dhan ah xorriyatul-qawlka, taas oo loo qaado sifo aan waafaqsanayn sharciyadda dalka.
Waxaanu xukuumadda Somaliland ugu baaqaynaa inay xorriyaddooda u soo celiso labada suxufi, si shuruud-laáan ah.”
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=11865






Wuxuu yidhi horta mar marka qaarkood in la jabo ma jeceshahay inkastoo xadhiga weriyaasha aan ka xumahay laakinse waa nabsigii ay ka galeen doorashadii u dambaysay ee ay Kulmiye uga eexdeen Udub ayaa cuqubadeedii soo baxaysaa waa kaa maamulkan fadhiidka ahi abaal uga dhigay saxaafadii xadhig iyo cadibaado badan.