USAID Oo Maanta 1 Milyan Oo Dollar U Qaybisay Ganacsato Reer Somaliland ah
Hargaysa (Berberanews):- Dawladda Maraykanka ayaa maanta markii u horeysay 13 Ganacsadde oo reer Somaliland ah oo la yimid fikrado ganacsi oo abuuri kara koboc dhaqaale iyo shaqo abuur, ugu qeybisay Huteelka Ambassador ee magaaladda Hargeysa lacag cadaan ah oo dhan hal milyan oo Dollar si ay ugu xoojiyaan Ganacsigoodda.
13-kan Ganacsadde ayaa laga soo dhex xulay 292 qof oo soo dalbaday deeqdan lacageed, waxaana lacagtani ay qeyb ka tahay mashaariic ay dawladda Britain ugu tallo-gashay inay kor ugu qaado dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka.
Deeqdan oo dawladda Maraykanku ay soo marisay Ha’yadda USAID, waxa munaasibaddii deeqdan lagu gudoon siinayay ka qeyb galay Wasiirro iyo saraakiil ka tirsan Ha’yaddaasi.
Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in deeqdani ay tahay mid wax ka bedalaysa dhaqaalaha dalka oo uu tilmaamay inay toos u saamaynayso dhaqaalaha.
“Runtii waxa xiiso lahaa oo la xusi karaa qaabkii loo soo xushay 13-kan Ganacsade ee ku guulaystay Barnaamijkan oo ay soo dalbadeen 292 Ganacsade oo reer Somaliland ah. Waxa loo soo xushay ganacasatadan si xor ah oo cadaalad ah, waxaana aanu kala shaqaynaynay Ha’yada DIA, wasaaradda qorshaynta iyo Rugta Ganacsiga. Waana aanu ku qanacsanayn wasaarad ahaan sidii ay bilow ilaa dhammaad hawshaasi u qabsoontay. Waa barnaamij dhaqaale kobcin ah oo toos u saamaynaya dhaqaalaha dalka,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.
Sidoo kale, la Taliyaha mashaariicda ee Ha’yadda USAID u qaabilsan Somaliland/Somalia Marry Pett Mckeever, oo ka hadashay mashruucan ayaa sheegtay inay uga dan leeyihiin inay kor u qaadaan dhaqaalaha Ganacsatadda Somaliland.
“Waa arrin xiise gaar ah leh barnaamijkan aanu ku taageerayno ganacsiga Somaliland si loo kobciyo dhaqaalaha bulshadda, waanay eegayaan qaadhaan bixiyeyaasha kale sida uu u fulo mashruucani.iyagoo ka fikiraya inay soo galaan haddii lagu guulaysto barnaamijkan,”ayay tidhi Marry Pett Mckeever, waxaanay intaasi ku dartay in fikradaha ganacsi ee la maal-gelinayaa ay ku wajahan yihiin dhinacyadda Kalluumaysiga, Beeraha, xoolaha nool iyo tijaaradda kaleba.
Sidoo kale, xubno u hadlayay ganacsatadda ku guulaysatay mashruucan ayaa u mahad celiyay dawladda Maraykanka barnaamijkan kor loogu qaadayo dhaqaalaha Somaliland, waxaanay balan qaadeen inay u fulin doonaan sidii heshiisku ahaa.
Hargaysa/Berberanews.com
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17481



-
Designed by