|

Vidic Oo Qaaliinkiisa Lagu Guuleystay Lana Filayo Inuu Soo Laabto Xilli Ciyaareedka Soo Socda.

Custom Search

(Berberanews Sports):- Tababaraha kooxda Manchester United ayaa shaaca ka qaaday in lagu guuleystay qaliinkii jilibka ee ciyaaryahan Nemanja Vidic, islamarkaana haatan uu wadada u saaran yahay sidii uu dib ugu soo laaban lahaa kooxda xilli ciyaareedka danbe.

Vidic ayaa dhaawac uu ka soo gaadhay kulankii Champions League ee kooxda Basel ay la ciyaareen 7dii December.

“Arbacadii ayaa lagu sameeyay qaliin waana lagu guuleystay” ayuu yidhi Sir Alex.

“Waxba kama ay bixinin, lakiin waxa uu maqnaan doonaa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan”

Dhanka kale waxaa jiray war wanaagsan oo ka soo baxaya ciyaartoyda kale ee dhaawaca ku maqan.

Ferguson ayaa xaqiijiyay in ciyaartoy dhowr ah ay ku dhow yihiin inay soo laabtaan oo uu ku jiro ciyaaryahanka reer Brazil Anderson.

“Anderson si fiican ayuu u soo kabsanayaa, si fiican ayuu tababar u qaadanayaa. Waa inuu shaqo badan qabtaa lakiin waa soo socdaa markaan”

“Fabio Da Silva kama foga, waxaan qorsheyneynaa inuu soo laabto 10ka maalmood ee soo socda. Difaacyada Jonny Evans iyo Chris Smalling dhawacyo dhaadheer ma qabaan sidaasi darteed waxa ay diyaar noqon doonaan muddo hal ama labo isbuuc ah”.

Si kasta wararka dhaawac uma fiicneyn Michael Owen iyo Tom Cleverly. Tababaraha United ayaa aaminsan in labada ciyaaryahan aanay u dhaweyn soo laabasho.

Mustafe Maxamud “Kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports

Share Button

You must be logged in to post a comment Login