|

Waa maxay guulaha Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisu la soo guryo-noqon doonaan?

Custom Search

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa Berri oo Salaasa ah dalka dib ugu soo laaban doono, ka dib markii ay muddo toddobaad ka badan magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta u ku joogeen safar shaqo.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa muddadii ay ku sugnaayeen magaalada Dubai waxay kulammo kala duwan la yeesheen Madaxweynaha dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wefti uu hoggaaminayey, iyaga oo labada Madaxweyne wada saxeexay heshiis ka soo baxay shir 21-kii bishii hore ee June lagu soo gebo-gabeeyey magaalada London ee dalka Ingiriiska oo dhexmaray Guddiyo ay labada Madaxweyne u magacaabeen wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee caalamku go’aamiyey iyo qodobbo kale.

Waxa kale oo ay Madaxweynaha Somaliland iyo Masuuliyiinta la socdaa kulammo kala duwan la yeesheen Masuuliyiinta ugu sarreeya dawladdda Imaaraadka, Hoggaamiyihii Kooxda SSC Saleebaan Xagla-toosiye, kuwaas oo ay ka wadahadleen arrimo kala geddisan.

Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Weftigiisu waxa la filayaa sida ay Berberanews u sheegeen Masuuliyiin dawladda Somaliland ka tirsani inay Berri ka soo degaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, halkaas oo lagu soo dhawayn doono, isla markaana looga soo gelbin doono dhinaca magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Waxa uu noqonayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo Madaxweynihii ugu horreeyey ee kulan toos ah la yeesha Madaxweyne Soomaaliya ka socda tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay gooni-uga-taagan tahay dawladdii la isku odhan jiray Soomaaliya 18-kii May 1991-kii, isaga oo wadahadalka labada dhinac u bilawdayna noqonayo kii ugu horreeyey ee ay yeeshaan muddo 21 sano ah oo ay Soomaaliya gooni uga taagnayd Soomaaliya, inkasta oo aanay weli aqoonsi caalami ah dunida ka helin.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa ayaa badi bulshada Somaliland u aragtaa inay guul u tahay wadahadallada ay la bilaabeen dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee ka talisa dalka Soomaaliya, maaddaama oo mar kasta arrimaha aqoonsiga Somaliland shuruud looga dhigo in wadahadal dhexmaro dalkii ay hore uga tirsanaayeen ee Soomaaliya. Waxaana inay Somaliland iyo Soomaaliya oo laba dhinac ahi inay wadahadlaan lagu go’aamiyey shir ay ka qaybgaleen in ka badan konton dawladood oo 23-kii bishii labaad ee Sannadkan Soomaalida Dawladda Ingiriisku ugu qabatay magaalada London ee dalkeeda, kaas oo Somaliland-na sidii dawladaha caalamka oo kale loogu casuumay looguna qaabbilay.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18120

Posted by on Jul 2 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta