Berbera News | Daily News Update

“Waa sharci darro xil-ka-qaadista laygu sameeyay” Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Somalia

Muqdisho-(Berberanews)-Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Ibraahin Iidle Saleebaan, oo madaxweyne Farmaajo shalay xilka ka qaaday, ayaa ku tilmaamay talaabadaas mid aan sharciga waafaqsanayn.

Isla markaana waxa uu ku nuuxnuuxsaday in uu isagu weli yahay gudoomiyaha Maxkamadda Sare, uuna saaka shaqo tagayo.

Waxaanu sidoo kale hadallo siyaasadeed ku tilmaamay arrimaha uu madaxweynuhu sheegay inuu tix geliyey oo ah cabashada shacabka iyo garsoorka ee ah in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah.