|

Wadahadalkii u Dhexeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo la Joojiyey

Custom Search

Hargeysa-(Jam/Berberanews)- Wadahadalkii u bilawday dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya, ayaa la xaqiijiyey in la joojiyey, kadib markii arrintaas ay isla qaateen Somaliland, Soomaaliya iyo beesha caalamku.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyada Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugu waramay xalay, ayaa daboolka ka qaaday in Somaliland joojiyey wadahadalkii ay kula jirtay dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya ilaa inta dawlad rasmi ahi ka dhalanayso Soomaaliya, lagana baxayo mudada ku-meelgaadhka ah, isagoo wasiirku tilmaamay in dawladda Somaliland ay dalka Soomaaliya u rajaynayso sidii nabad iyo xasilooni loo heli lahaa, natiijo fiicana uga soo bixi lahayd shirka odayaasha dhaqanka uga socda Muqdisho ee lagu ansixinayo dastuurka, laguna soo xulayo baarlamaanka madaxda Soomaaliya dooran doona.

“Wadahadalkii bilawga ahaa ee Somaliland la lahayd Soomaaliya imika waa la joojiyey oo waa la hakiyey ilaa inta dawlad rasmi ah laga dhisayo Soomaaliya, dawladaasoo dadkeeduna raali ka yihiin, sababtaas ayaana wadahadalkii loo joojiyey, beesha caalamkana arrintaas waannu kala tashanay, dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliyana waanu ku wargelinay,waana la isla qaatay oo in mudadaas wadahadalkii la joojiyo waa la iska qaatay.

Hawlaha ka socda socda Muqdisho ee dastuurka lagaga hadlayo, sidaa beesha caalamka iyo adduunku u rajaynayaan, ayaannu annaguna ugu rajaynaynaa in ay ku guulaystaan oo wax fiican uga soo baxo,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibaddu.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo la weydiiyey aragtidooda la xidhiidha dastuurka la ansixinayo oo aqoonsanaya 18 gobol oo Soomaaliya leedahay oo Somaliland ku jirto iyo odayaal la sheegay inay Somaliland ka socdaan oo shirkaas jooga, waxa uu ku jawaabay; “Somaliland waa dal madaxbannaan oo xuduudihiisa la yaqaan oo ah kuwii maxmiyadii Ingiriisku ka tagtay ah, dastuurkooda haday sidaas ku qoreena waa mid aan wax saamayn ah inagu yeelanay, waxaanan ugu baaqayaa in aanay Somaliland madaxbannaanideeda isku wareerin oo ay dalkooda ka shaqeeyaan sidii ay u xasilin lahaayeen oo ay uga dhisi lahaayeen dawlad shacabkeeda matasha. Ta kale ma jirto cid si rasmi ah Somaliland u metelaysa oo shirkaas Muqdisho joogta, cid waliba arrintaas way ogtahay, haday jiraan cid Somaliland sheeganaysa oo shirkaas joogtana, waxa lagu qaadi doonaa waxa arrintaas shuruucda iyo xeerarka dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabaan.”

Waxa kale oo wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar tilmaamay in Somaliland aanay wax farogelin ah  ku ahayn shirka ka socda Muqdisho, isla markaana aanay ku dhexmilmin shirarka iyo siyaasaddaha arrimaha Soomaaliya.

         

Xigasho Wargeyska Jamhuuriya

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19007

Posted by on Jul 27 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta