Berbera News | Daily News Update

War Deg-deg ah: Hoggaamiyihii Libiya oo Dhintay, Qaabka Dhimashadiisa, Wararkii u dambeeyey iyo Dammaashaadyo ka socda dalkaas

Sirta-(Berberanews)- Wararka laga helayo dalka Libiya, ayaa sheegaya inuu maanta dhintay Hoggaamiyihii Libiya Col. Mucamar Al Qaddafi, ka dib markii dhaawac halis laga gaadhsiiyey Lug.

Waxay wararku intaa ku darayaan in Col. Qaddafi ay Ciidammada Mucaaridka Libiya ee ka soo horjeeday maamulka Qaddafi iyo kuwa isbahaysiga Gashaan-buurta Nato oo Mucaaridka gacan-siiya ayaa gacanta ku dhigay Hoggaamiyihii dalkaas, ka dib markii ay Dhaawac culus gaadhsiiyeen sida la sheegay, kaasoo saacado ka dib la sheegay inuu u dhintay dhaawaca gaadhay.

Inkasta oo aan warar madax-bannaan si toos ah looga helin qaabka uu Qaddaafi u dhintay, haddana waxay Warbaahinta dunidu sheegayaan in Qaddafi uu ku dhintay magaalada Sirta oo dhaawac loogu geystay isaga oo sida la sheegay ka cararayey Xooggagga isaga dagaalka kula jiray dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey.

Hoggaanka Golaha Ku-meel-gaadhka ah ee Mucaaridka Libiya, ayaa sheegay in dilka Qaddafi iyo qabashada ama gacan ku haynta magaalada Sirtu ay soo dhawayn doonto xal nabadgelyo oo laga hirgeliyo guud ahaanba dalka Libiya, isla markaana ay fursad u siin karto inay ku dhawaaqaan dawlad Liibiya leeday oo soo celisa kala dambayntii iyo hoggaamintii dawladnimo ee dalka Libiya.

Si kastaba ha ahaatee, wararku waxay sheegayaan in badi magaalooyinka waaweyn ee dalka Libiya, gaar ahaan Caasimadda Tripoli ay ka socdaan debbaal-degyo iyo dammaashaadyo lagu soo dhawaynayo oo Dhimashada Hoggaamiyihii dalka Libiya Mucamaral Qaddafi oo tan iyo bilawgii sannadkan lagula jiray dagaal ka dhan ah hoggaamintiisa. Dadka reer Libiya waxa la sheegayaa inay badi ku faraxsan yihiin dilka Qaddafi.

Sidoo kale, qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa dareen fiican ka muujiyey dilka Qaddafi, halka qaar waddammada Carabta ka mid ah iyo dunida Islaamku ay u arkaan dhibaato soo foodsaartay Hoggaamiyayaasha dalalka Muslimka ah.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Leave a Reply