War Deg-deg ah: Markab Dekedda Berbera Xoolo ka qaadayey oo Dab qabsaday
Berbera-(Berberanews)- Markab Dekedda magaalada Berbera xoola ka qaadi lahaa, ayaa dab qabsaday lixdii fiidnimo iyo daqiiqado, dabkaas oo la sheegay inuu ka dhashay Wiishka Markabka, halka ay goob-joogayaal kale Berberanews uga sheegeen in Dabku ka dhashay Caws loogu talo-galay in la siiyo Xoolaha uu Markabku qaadi lahaa.
Sida ay goob-joogaal ku sugan Dekedda Berbera u sheegeen Shabakadda wararka ee Berberanews, Dabka ayaa mar keliya isla oog-saday Markabka dhexdiisa iyada oo Olol iyo qiiq badani ka soo baxayeen gudaha Markabkaas oo lagu magacaabo Al-iman, isla markaan la sheegay inuu Shirkadda Al-Jabiri Xoolo uga qaadayey Dekedda Berbera.
Wararka ay Berberanews helayso qaarkood ayaa sheegaya in Dabka Markabka qabsaday uu ka dhashay Wiishka Markabka, hase yeeshee, weli waxa lagu hawllan yahay baadhitaanka lagu ogaanayo sababta dabkaas dhalisay iyo waxa uu ka dhashay-ba.
Markabka ayaa lagu guulaystay in la bakhtiiyo, ka dib markii ay hawl-wadeennada iyo Dab-demisyada Dekedda Berbera ay si weyn ugu gurmadeen. Waxaana hadda lagu hawlan yahay sidii Markabka looga soo daadin lahaa Cawska Markabka saarnaa oo la sheegay inuu shuf-beelay.
Lama sheegin wax khasaare ah oo Dabkaa Markabka qabsaday ka dhashay dad iyo duunyo toona, iyada oo xaddiga dabka iyo sida loogu guulaystay wararku sheegayaan inay aad u kala waynaayeen oo dabku uu ahaa dab halis loo arkayey, hase-yeeshee wax yar ka dib markii uu Dabkaasi kacay-ba lagu guulaystay in la bakhtiiyo.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.a
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18369



-
Designed by