RAYSAL WASAARIHII ETHIOPIA OO GEERIYOODAY

Custom Search

 

Berbera-(berberanews):- Raysal wasaarihii dawladda federaalka Ethiopia ayaa ku geeriyoodaydhakhtar dibadeed oo ku yaal wadanka Belgium, ka dib markii xanuun maskaxda kaga soo booday.

Warbaahinta caalamka ayaa saaka subaxnimadii baahisay geerida Meles Zenawi. Raysal wasaare Zenawi ayaa da’diisu ahayd 56-jir, waxana uu wadanka kasoo talinayay oo uu raysal wasaare ka ahaa ilaa 1991, xilligaas oo uu talada ka tuurey Mingistu H. Marium.

Waxa uu mr Zenawi labadii bilood ee u dambeeyey dalka dibaddiisa ugu maqnaa xaalad caafimaad, iyadoo mudadaas aan lagu arag saxaafadda, isla markaanana waxa xukuumaddiisu ka war wareegtay inay wax ka sheegto xaaladiisa caafimaad, oo sida la sheegay mudadaasba kasii xumaanaysay.

Zenawi waxa uu ahaa siyaasi awood badan oo sannadihii u danbeeyey gaadhsiiyey wadanka Ethiopia inay saamayn ku yeelato guud ahaan qaaradda Africa, gaar ahaan wadamada geeska Africa.

Dalalka saamaynta ugu badan Ethiopia ku lahayd ayaa waxa ka mid ah dalka Somalia, oo tiroba laba jeer Ethiopia ay ciidamo u tirtay dalkaas, iyadoo haatan ay gudaha Somalia ku suganyihiin ciidamo ethipian ah oo aad u badan.

 

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19786

Posted by on Aug 21 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta