Wiil ka mid ah dhallinyaro u dabaaltegay Berbera oo geeriyoodey ka dib markii baddu liqday
Berbera-(Berberanews)-Alle ha u naxariistee wiil dhallinyaro ah oo magaciisu yahay Muuse Rashiid Cabdi, ayaa galabta ku geeriyoodey magaalada Berbera, ka dib markii uu u dabaaltegay Badda, gaar ahaan ag-agaarka Hudheelka Xeebsoor oo u dhaw magaalada, halkaasoo ay baddu ku liqday.
Alle ha u naxariistee Muuse Rashiid oo da’diisu 19 jir ahayd, maydkiisana la dhigay cusbitaalka Berbera geeriyoodey wuxuu ka mid ahaa dhallinyaro tiro badan oo ka tegay caasimadda Hargeysa, una dalxiissay magaalo-xeebeedda Berbera munaasibadda Ciida awgeed, si ay ugu soo dabaashaan badda. waxaa dhimashada wiilka u xaqiijiyay Berberanews Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan.
“Wiilkaasi wuu jiraa, waxaannu ka yimi Hargeysa, Wuxuu ka galay halka Xeeb-soor agtiisa oo aan laga gelin, Annaguna waxaannu culayska saarnay Batalaale iyo meelaha dadweynaha iyo qurbojoogu tagaan oo waxaanu geynay ciidammo iyo kooxaha badbaadada deg dega ah.”ayuu yidhi Badhasaabku.
Badhasaabku waxa uu intaa ku daray in lagu jiro xilliyada baddu daba-martayso dadka, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Dhacdadani waxay ka mid tahay waxyaabihii aan ka digay, waayo xilligan waxa la joogaa wakhtigii baddu dadka weydaaranaysay, qadarka allena waa halkiisa, laakiin waannu sii laba jibaaraynaa ilaalada badda.”
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19757



-
Designed by