Berbera News | Daily News Update

wararkii u dambeeyay ee khasaaraha qarax weyn oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho(Berberanews) – Ugu yaraan 10 ruux oo ay ka mid ahaayeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo kooxihii weerarka geystay ayaa ku dhintay weerarkii Ismaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday Ex xaruntii hore ee Oto Oto oo hadda ah Wasaaradda arrimaha gudaha.

Ciidamada ammaanka ayaa ugu danbeyntii soo afjarayay weerarka xarunta oo ay wadda degan yihiin Wasaaraddaha arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Xaruntan ayaa markii hore lagu weeraray gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo dabley hubeysan oo gaadhayay saddex dagaalayahan ay gudaha u galeen.
Wararka ayaa sheegaya in is rasaaseyn muddo saacad ka badan socotay kaddib ay ciidamada amniga Soomaaliya ku guuleysteen in ay dilaan saddexda dagaalayahan oo gudaha u galay xarunta.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, kaasoo noqonaya weerarkii u horeeyay noociisa oo xarun dowladeed lagu qaado in muddo ah.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka