Wararkii u danbeeyay Khasaaraha ka dhashay Dagaal Culus oo ciidammada Qaranka Somaliland iskaga caabiyeen Maleeshiyo soo weerartay
Buuhoodle (Berberanews)- Ciidammadda qaranka ee jiida Buuhoodle ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay maleeshiyo nabad-diid ah oo galabta weerar ku soo eekaysay ciidanka qaranka ee dulleedka Buuhoodle.
Sida ay shebekadda Berberanews u xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Buuhoodle waxa maleeshiyadaas laga dilay todoba ka mid ah, dhaawacyo tiro badan iyo khasaare la soo gaadhsiiyay, halka wararka aanu ka helayno ciidanka qaranka Somaliland xaqiijiyeen dhimashada laba askari.
Dagaalkan oo bilaabmay abaaro 3:00 galabnimmo ayay kooxo maleeshiyaadi weerar ku soo qaadeen fadhiisinka guuto ka mid ah ciidanka Qaranka eek u sugan dulleedka Buuhoodle, gaar ahaan Sool-dhuub, halkaasoo ay kala kulmeen dhirbaaxo kulul oo ciidanka qaranku iskaga waabiyay, islamarkaana ciidammada qaranku firxadkii maleeshiyadaas ka hadhay ka dib markii ay Buuhoodle gudaha u galeen.
Wararkii u danbeeyya ee naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle waxay sheegayaan in dagaalku joogsaday goor fiidnimmo ah, islamarkaana ay kooxaha nabad-diidku bilaabeen inay dib isu urursadaan, halka ciidammada qaranka Somaliland ee jiida Buuhoodle heegan sare ku jiraan.
Dagaalka ay kooxda Maleeshiyaadku ku soo qaadeen ciidammada qaranka, ayaa la sheegay inay ka danbeeyeen Kooxdi qas-wadayaasha Cali-khaliif iyo inta la socota oo maanta duhurnimmadii si qarsoodi ah u galay Buuhoodle.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email,info@berberanews.com
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=11175

