|

Warqad Furan Oo Ku Socota Madaxweynaha Soomaaliland

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliland.
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Mudane: Madaxweyne marka hore waan ku salaamayaa, marka xiga iyada oo aan ka
faaidaysanayno fursada qaaliga ah ee aduunyadu u soo bandhigtay
qaranka Jamhuuriyada

Soomaaliland ee aad madaxweynaha u tahay,anoo ka muwaadin ahaan gudanayana
waajib muqadas ah, ayaan xogahan qaaliga ah kula socodsiinayaa si aad
ugala baxdo wixii
ina anfacaya oo aad uga hor akhrido dalalka faraha badan ee aad kula
kulmi doonto shirka
London 23 February 2012 ka furmi doona Carriga Ingiriiska, marka
sheegta qadiyadiina la’ina
yidhaahdo.

Mudane Madaxweyne sida aad ogsoontahay, dagaalkii labaad ee aduunka
waxaynu ka tirsanayn
is baahaysigii guulaystay innaga oo ka barbar dagaalamaynay ciidamadii
dawladii boqortooyadii
ingiriiska oo wqtigaa dalkeena gumaysanayay, iyadoo dagaalkaas ay ku
naf waayeen in badan
ama rag badan oo qaali ahaa oo awoowyasheen ahaa, nasiib wanaag waxa
soo baxday quwad
cusub oo is baahaysigeenii gulaystay ka mid ah oo la yidhaahdo
Maraykan, kaas oo xaaraantimeeyay
daldalkale gumaysta, sidaa awgeed ayaynu xorriyadeenii uga qaadanay
Boqortooyadii Ingiriiska
ee aynu maxmiyada u ahayn.

Hadaba halkii aynu innagu waa Jamhuuriyada Soomaaliland eh, wax ka
hogaamin lahayn ayaynu
maxaabiis la qabsaday ku biirnay oo is daba taagnay Soomaalidii
koonfureed oo la socotay
Talyaani oo ka mid ahaa is baahaysigii laga guulaystay ee la jabiyay
ee la qabsaday ilaa
maantana la haysto, meesha ay wax ka qaldameena waa halkaas, taasina
waxay keentay in aynu
la dagaallanno guushii aynu qaybta ka ahayn, dagaalkii labaad ee aduunka.

Intaa kadib waxaynu ku biirnay oo ka mid noqonay Soomalyadii
koonfureed oo kamid ahayd is
baahaysigaa laga guulaystay, ka dibna dalkii iyo taladiiba waa la
inagala wareegay, intaa kadib
waxaynu ku biirnay oo saldhig milatari aynu siinay dalkii la odhan
jiray midawga soofiyeeti arrintaasi
wxay sababtay jahawareerka ina haysta ilaa maanta, hadaba mudane
madaxweyne iyadoo wax badan
oo sir ah aan qarinayo ayaan kula socodsiinayaa in saldhiga milatari
bixiyeen xukuumadii Siyaad Barre
iyo xukuumadihii ka horeeyay kaas oo la siiyay midawgii soofiyeeti,
saldhigaa (milatry Base) oo
qaabka lagu siiyay sharci daro ahaa kaasi oo ay Waarso ku kaydsatay
kaydkii ay ugu talo gashay
dagaalka Sadexaad ee aduunyada iyadoo meesha bayska laga siiyayna ay
tahay magaalada Berbera.

Kaydka saldhigaa Waarso dhigatay ayaa waxa uu waayadan danbe keenay,
dhibaato aad u balaadhan
taasi oo xasuuqaysa dad iyo duunyo labadaba oo hadii aan laynaga soo
gaadhin ina cidhib tiraysa,
madaxweynihii hore ee aad kala wareegtay talada Mr Daahir Rayaale
Kaahin waxa uu igu yidhi annigu
waxba kama qaban karo arrintan iyada ah kadib markii aan u bandhigay
laakiin Madaxweynaha iga
danbeeya aan talada ku wareejinayo ayaan qoraal ugu sheegi doonaa in
ay noqoto arrinta ugu horaysa
ee uu wax ka qabto, ma ogi in arrintaa uu kuu sheegay madaxweynaha kaa
horeeyay oo uu xasuustay
iyo in aanu xasuusan oonu kula socod siin, laakiin waqtigaa aan la
kulmay sidaa ayay ahayd xogtii aanu
is waydaarsanay.
Mudane madaxweyne dal nadiif ah ayaynu Soomaali ula tagnay iminkana
waxaynu qarka u saaran
nahay in la innaga daad gureeyo khatarta taala aawadeed, mudane
madaxwayne wax kaloo imika
laga hadlaa micno ma samaynayso ee tan ayaa wax kasta ka horeysa uguna
mihiimsan wax
bulshada caalamka aad kala hadasho waayo waa aafo disaster ah oo dalka
la inoo dhex dhigay.

Mudane Madaxweyne hadaba hadii aad danaynayso arrintan, diyaar ayaan
kuula ahay faahfaahinteeda
iyo cadeynteedaba waana waxa kaliya ee aduunyadu isgu keen taageyso
waana arrin ka muhiimsan
argagixisada, budhcadbadeeda iwm ee la rabo in lagaga hadlo shirka
London furdaaminteeduna
qaadan mayso sanado, Madaxweyne waxaynu u baahanahay gurmad deg-deg ah
oo caalami ah,
sidaa daraadeed waxa aan kaa codsanayaa in aanad fursadaa iyada ah
dayicin ee aad ka faa’iidayso
kagana faa’iidayso kulanaka ay isugu imanayaan 40ka dawladood ee
caalamka ka mid ahi waana ta
kaliya ee aynu wax kasta oo aynu doonayno ku helayno. waayo waxaynu ku
noolnahay dal disaster la
dhex dhigay oo ay halista intaaa le’eg ula soo badheedheen qaar kamid
ah dawladaha caalamka ugu
waawayn qaar kamid ahi isla markaana awood uma lihin in aynu iska
dhex qaadno iyadoo aynu helno
gurmad caalamiya oo aqoonteedii leh oo inooga soo gurmada mooyaane,
sidaa awgeed madaxweyne
waxaynu u baahanahay in dalka iyo dadkaba aynu badbaadino ficilka
kaliya ee laynooga baahanyahay
ee innagu waajibka ahina waxa weeye inaynu caalamka qaylo dhaan
xaaladan ku saabsan kula dhex-dhacno
iyadoo halka ugu horeysa ee aynu ka bilaabaynaana tahay madashaa ay
40ka dawladood ku kulmayaaan.

Gebogabo:

waxaan ILLAAHAY ka baryayaa in aad ku qanacdid war bixintaydan oo aad
codsatid faahfaahin dheeraad ah
ka hor intaadan u ambabixin shirka London ee carriga Ingiriiska,
ogowna madaxweyne waxaad tahay Madaxweynihii
sadexaad ee aan u soo bandhigo arrintan oo aan aaminsanahay in ay
tahay mida kaliya
ee aqoonsiga soomaaliland ku jirto waxaan hortaa u soo bandhigay
marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
iyo Daahir Rayaale Kaahin oo labadooduba si isku mid ah iigu jawaabay,
mudane Madaxweyne waxaan
diyaar u ahay in aan cadeeyo goobta iyo goorta ay ahayd iyo waliba
arrinka keenaya aqoonsiga wuxu yahay
taariikhduna way waxaad aad kaga jawaabto adiguna haa iyo maya inaad
jawaabtii labadii madaxweyne
oo kale ka bixiso iyo inaad gurmadkeeda iyo qaylo dhaanteedaba gasho
oo aad aafadaa aan kor ku soo xusay
ee aan waxa yar uun qoraalkaygan kaga taabtay faahfahinteedana kuu
hayo isku daydo inaad dadka
iyo dalka aad madaxweynaha u tahay uga gurmato .

ALLAA MAHAD LEH
Cawil Cali Sugulle
Xildhibaan golaha deegaanka ee Berbera
ka tirsan.
Tel: 4446356

Saaxibadaa Twitter ug gudbi warbixinta



--------------------------


Short URL: http://www.berberanews.com/?p=11451

Posted by on Feb 6 2012. Filed under QORMOOYIN. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply



Recently Commented

  • Abdilahi Jama mire: Berberi wax go’ lagu qaado ka weyn, haddii lawada dheefayo ok haddii kale maya
  • Berberaawi: Alaylehe qalinkaaga khadku kama dhamaado waar odayaashan magac baad u heshay xarago waxaa la ogaa ama la...
  • Cabdiraxman: Kuwani Salaadiin maaha ee waxa la yidhaa DHAAMEEL KA DHURSUGAYAAL markaa dhaameelkooda ha iska qaataan...
  • sahan: Asc waxaa aad layaab u leh werrshadani miyaamay hanti qaran ahayn, ma waxay somaliland oo dhani raali ka tahay...
  • yuniz: SXB, Qalinkaagu Khadku kama dhamaado

Gacal Store