Berbera News | Daily News Update

Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen carriga ingiriiska

Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska muddo dhaafka golaayaasha deegaaannada ee 23 gole Deegan 600 xildhibaan.

Waxaa iswaydiin leh goormay jamhuuriyadda madaxa banaan ee Somaliland ay u noqotay jabuuti Qabo uun la yidhaahdo.

Waxaa kale muddo mudhaafay golayaasha deegaannada ee xilkooodi dhamaaday bishii saddexaad 30/3 /2019 ee sanadkan ayu ku jirno sida sharciga dalka u yaala ee umaddu ku heeshiisay in laga leexdana aanay habboonayn haddii laga baydho cidda ka dudana dambgu raacayo waa haddii dammiirku shaqaynaayo.

Ma jiro muwaaddin aan ka tiiraanyasayn qabaa,llada ku abtirsada jamhuurayadda Allah ku beeray ee barakaysan ee   halka  Allaha u dooray kaas oo geeska dhulka madawgu deggenyahay ugu mudan.

Waxaa walaac iyo walbahaar bulshada reer Somaliland ku hayey

Golaha wakiillada ee fadhiidka noqday wixii loo yeedhiyo  ansixiya ee 17 tabanka sannadood lugooyada ku hayey bulshadii soo dooratay

Talo soo jeedin

  1. In golahayaasha  deegaannada muddo dhaafay inta golayaal kale laga soo dooranayo sannadkan 2019 aynu ku jirno dhammadkiisa  xoghaya guddida fulintu sii hayo

  2. In dalka ceebta laga ilaaliyo

      muwaadinka xaqa ku lehna aan sharaftiisa lagu ciyaarin

  3. Hora loo ogaa haddii ay dawladda jabuuti muwaadinkeeda wax u tarayso markii  cumar caydiid oo muwaadin reer jabuuti ah markii Somaliland lagu dhibataynay ayey wax ka qaban lahayd

  4. Boqol iyo siddeed labataanka miliyan in ay  u soo celiso lama arag maamul dalkiisa biliyqaysta noqda xaalaal miirad haddii anay ahayn allahaw xishoon cabsoonann muwadiinta xaqooda u ilaaliya ma ogid inta geeridu kuu soo jirto.

  5. Bulshada ama beelaha reer Somaliland iska ilaaliya wada dhalashada iyo in aan lagu xadgubin iyo wada lahaansha dalka idinka dhexeeya

  6. Ha la gaadhisiiyo dalka biyaha yaan lagu mashquulin wax aan faa,ido u lahayn ha  laga wada shaqeeyo homarka dalka

  7. Ha loo gargaaro dadka jilicsan

  8. Yaan dhalliyarada loo xalaalayn sinada iyo dhibatada hablaha Sharaf leh ku dhacaysa.

  9. Waxay la bulshadu tabaysa culimadii dalka iyo wasaaradda diinta aw qaafta

Ha dhiman adoo dayn lagugu leehaya

Dalkaaga waxaad u qaban karto u qabo

Wax soo saar samee hurdadu yey kula tagin

Cilmiga aad baratay ha la fadhiisan gidaar uga faa,iidee dalkaaga isku day in adiga laguu shaqeeyo

Waligaa ha caalacalin

Hooyadii ku soo korisay ha ku wacad furin waxay kugu amarto ha diidin guushaada ayaa ku jirta

Deeq Cabdi Digale