|

Wasaaradda Arrimaha Guddaha Oo Ka Hadashay Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyay Maayarka Saylac

(Berbera news) Wasiir ku-xigeenka gobalada iyo degmooyinka ee Wasaarada arrimaha guddaha Somaliland Jaamac Cabdilaahi Biin ayaa, hadlay Maayarka degmada Saylac iyo ku xigeenkiisii oo shalay Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmadaasi xilkii ka qaadeen .

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in xil ka qaadistaas sharci nimadeeda dib loogu noqon doono isla markaa xildhibaanada degmooyinka dhawaan wasiirka arimaha guduhu u gubiyey digrooto ah in aan maayarada xilka laga qaadi karin inta doorashada ka hadhey

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa waxaa uu ka hadley dacwad uu dhawaan xisbiga UCID ka gudbiyey maayarada Berbera , Gabilay iyo 5 xildhibaan oo kale kuwaas oo shaaciyey in ay ku biireen xisbiga Kulmiye , waxaana uu sheegay Wasiir Jaamac Cabdilaahi Biin hadii sharcigaasi shaqeeyo in xildhibaano badan oo uu Gudoomiye Ciro ugu horeeyo uu kursiga waayi doonan.

HALKAN KA DAAWO.

Berbera news.

Share Button
Please follow and like us:
0

Comments are closed