Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland oo Bilaabaysa Diiwaangelinta Ganacsatada Kalluunka Iibiya
Hargeysa-(Berberanews)- Masuul ka tirsan Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayaan Diiwaangelin lagu ogaanayo Ganacsatada reer Somaliland ee ka ganacsada Kalluunka oo ka mid ah Khayraadka Illaahay ku mannaystay Badaha Somalialnd.
Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Xuseen Haybe Cige iyo Mas’uuliyiin kale, ayaa maanta kormeer shaqo ku soo maray goobaha lagu iibiyo Kalluunka ee ku yaalla magaalada Hargaysa.
Kormeerkan oo ujeeddadiisu la xidhiidhay u kuurgalka nadaafadda goobaha lagu iibiyo Kalluunka iyo sidii bulshada loogu baraarujin lahaa ka faa’iidaysiga Kalluunka. Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga ee Wasaaradda Kalluumaysiga Xuseen Haybe, ayaa sheegay in kormeerkoodani uu qaatay muddo saddex cisho ah, isla markaana ay ku soo indho-indheeyeen xaaladda goobaha lagu iibiyo Kalluunka.
Waxaanu Agaasime Haybe xusay inay dhawaan qaban doonaan kulan ay isugu yeedhayaan dadka ka ganacsada Kalluunka, laguna diiwaangelin doona tirada ganacsatada sida tooska ah uga shaqaysta ganacsiga Kalluunka. Xuseen Haybe Cige waxa uu intaas ku daray in ganacsatada buuxisa shuruudaha nadaafada kalluunka ay ku siin doonaan ruqsad.
Waxaa kale oo iyaguna hadallo kala duwan ka soo jeediyay goobihii ay soo kormeereen mas’uuliyiintani qaar ka mid ah ganacsatada ku hawlan ka ganacsiga Kalluunka oo soo jeediyay in shacbiga lagu baraarujiyo sidii ay ugu soo jeedsan lahaayeen ka faa’iidaysiga iyo manaafacaadsiga Kalluunka.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17743



-
Designed by