Wasiir ka tirsanaa dawladii Rayaale oo ka waramay duruufaha siyaasadeed ee kala Irdheeyey Madaxweyne Silaanyo Iyo Maxamed Xaashi iyo kala duwanaanshaha hogaamineed ee Dr. Gaboose Iyo Cirro

Hargeysa-(Berberanews) – Wasiirkii hore ee Warshadaha ee dawladii Rayaale Eng. Axmed Cali Ubaxle ayaa ka waramay Duruufaha siyaasadeed ee kala Irdheeyey Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Wasiirkii hore ee Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, kaas oo sheegay inay xilka qaadistaas soo dadajisay ka dib markii uu Maxamed Xaashi kali ku noqday arimo badan go’aankooda lala wadaagayey, isla markaana uu mar walba ka hor iman jiray go’aamada Madaxwayne Siilaanyo iyo Golihiisa Wasiiradu isku raacaan.Mr. Ubaxle waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay Haatuf  khadka tilifoonka ugu waramayey isaga oo ku sugan Hargeysa, kaas oo uu sidoo kale kaga xog-waramay kala duwanaanshaha dabeecadaha hogaamineed ee Guddoomiyayaasha ururada WADANI iyo UMMADA C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, tibaaxayna in Mr. Ciro uu ka furfuran yahay Gaboose, ugana jajaban yahay Hogaaminta xilalka uu hayo.


Eng. Axmed Cali Ubaxle waxa kale oo uu ka hadlay Fashilaado uu sheegay inay qaar mid ah ururada siyaasada ay kula kulmeen Tirakoobkii ururada siyaasada ee maalintii ugu danbaysay ka dhacay Magaalada Caynaba, kaas oo tilmaamay in ururo uu ka mid yahay ururka UMMADA ee uu hogaaminayo Dr. Gaboose in Arday ay lacag siiyeen ay basas kaga soo gureen deegaano aan ka tirsanayn gobolka Sool ee tirakoobku ka socday.

Dhinaca kale Axmed Cali Ubaxle oo ka mid ah Hogaamiyayaasha urur siyaasadeedka WADANI waxa uu sheegay in ururkoodu uu kaalinta koobaad ka galay qiimayntii Madaxtaabashada ururada siyaasada ee gobolada dalka, kaas sheegay inuu ku hanwayn yahay in ururkoodu uu u gudbi doono darajada Xisbi Qaran.ugu horayna isaga oo ka hadlaya sababaha loo aanaynayo inay isa seegaan Madaxwayne Siilaanyo iyo Wasiirkii hore ee Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxa uu yidhi “Horta marka hore qof wal oo caqli lihiba waxa uu ogyahay in Madaxwayne kastaa uu isagu xaq u  leeyahay inuu xukuumadiisa ku sameeyo isku badal, waana Sunaha dawladnimada taasi, laakiin hadii aan u soo noqdo arinta ugu hadal haynta badan baryahan ee isku badalka Eng. Maxamed Xaashi iyo C/casiis Samaale. Hadii aan ku horeeyo Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi intaan ka aqaan isla markaana dadku ka sheegaan waa nin lexejeclo badan oo go’aan adag, shaqadiisana ka adkaa, laakiin hal mid ayaa jirta oo dabeecadihiisa ka mid ahaa oo aan waliba filayo inay Madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumadiisaba isku maandhaafeen, Eng. Maxamed Xaashi  waa nin Kaladii Saxane ah oo aan ogolayn inuu u tanaasulo mararka qaar arimo daruuri ah, mida kale waxa uu mar walba ka hor iman jiray go’aanada Golaha Wasiirada oo dhan oo uu kaladii gaar ka noqon jiray, sidoo kale waxa jira oo iyaduna in la xuso ay tahay inuu Wasiirkii hore ee Maaliyadu ka gows adaygi jiray arimo Madaxbadani ay soo falanqaysay oo xataa Madaxwaynuhuba inuu ku raaco ay suurta gal ahayd. Wasiirka Cusub ee Maaliyada C/Casiis Sameel isaga waxqabadkiisu waa mid aynu arki doono oo aynu eegi doono ninkii noolaada, laakiin aqoonta aan u leeyahay waxay i siisay inuu ka soo bixi karo shaqada adag ee taala Wasaarada loo magacaabay ee Maaliyada oo uu wax badana ku soo kordhin doono”.

S: Ma waxaad leedahay Xoolaha Qaranka ee uu Masuulka ka ahaa Eng. Maxamed Xaashi ee waliba Ilaaliyey inuu u fasaxo ayey ahayd cidkastaa siday doonto ha u isticmaasho?

J: May sidaas uma jeedo, laakiin waxa mihiim inay dadkeenu fahmaan Waajibka saaran Wasiirkii hore iyo kan, isla markaana waa in la fahmo hadii uu Maxamed Xaashi ku caanbaxay inuu hantida ummadda ilaaliyo, Samaale laftiisu wuu u dhaartay isaga oo ah nin diinta in badan ka yaqaana oo ilama aha in xoolaha ummadu ay dayacmi doonaan.

S: Waxa mudo ku dhaw 20 Cisho Xabsiga ku jira oo aan wali wax Maxkamad ah la soo taagin Badhasaabkii Maroodi Jeex, Agaasimihii Dib-udajinta iyo la taliyihii Madaxwayne ku xigeenka arintaas halkeed ka taagan tahay?

J: Anigu shakhsiyan waxaan aaminsahay in qof wal oo binu-aadam ah ama Xil ha hayo ama yaanu haynin inuu sharcigu wada qabto oo sharcigu uu ka sareeyo cidkasta oo dalkan wax ka ah, laakiin waxa taas ii barbar socda oo aan qabaa inay xaq u leeyihiin masuuliyiintaas Musuq-maasuqa lagu eedeeyey in Maxkamada la horgeeyo waliba sida ugu dhakhsaha badan, isla markaana ay Maxkamadu cadayso dambiyada lagu haysto inay qabaan iyo inaanay qabin.

S: Xadhiga Boqor Buur-madow ee ay xukuumadu xasbiga ugu Taxaabtay markii uu ka soo noqday dalka Imaaraadka Carabta siduu kuula muuqdaa?

J: Shakhsiyan anigu ma taageersani in Boqorka la xidho, hadii ay dhacday oo xukuumadu xabsiga u taxaabtayna waxaan odhan lahaa dambiga lagu haysto ummada ha loo cadeeyo oo wixii uu qabo ha lagu qaado, hadii aanu dambi galina xoriyadiisa ha loo soo celiyo.

S: Maxaad ururada Cusub iyo xisbigii UDUB ee aad ka mid ahaan jirtay aad kaga doorbiday Ururka Wadani ee aad hada ka tirsan tahay?

J: Horta ururkani sidii uu uga soo jabay Ucid iyo intii ay garabkaasi ka shaqaynayeen samayntiisaba waxaan sympathy  ama taageero u hayay garabkaas isaga ah, waxaanan si rasmiya ugu biiray markii aan is waraysannay gudoomiyaha Ururka Wadani C/Raxman Maxamed Cabdillahi (Cirro). Waqtigaas oo ahayd horaantii Bisha November 2011.  Ururka Wadani Waxan ku doortay ugu horayntii Cabdiraxmnaan Cirro oo ah hogaamiye qunyar socod ah, deganaansho iyo hadal suganna lagu yaqaan, midda kale waxaan ka mid ahay dadka aaminsan in talada kursiga ugu sareeya dalka ay wareegto iyada oo habka dimoqraadiyadda la raacayo, markaa xilliga soo socdaa waxaan is leeyahay waa doorkii beesha Cirro ay hogaanka qaban lahayd, mar haddii aan Madaxweyna Siilaanyo doorasha danbe ka qaybgalayn ama isa soo sharaxaynin.

S: Rajo intee leeg ayaad ka qabtaa in ururkan aad hada ka midka tahay u gudbi doono Xisbi Qaran, Maxaadse is leedahay ururkani wuu u qaban karaa Dalka iyo dadka haddii aad  guulaysataan?

J: Anigu Ilaahay baa la hubaaye,  Kolsooni wayn ayaan ku qabaa ururkan wuuna u soo  gudbayaa Xisbi Qaran, waayo iminka ayuuba muujiyay inuu yahay Xisbi, dadkuna dhamaan daafaha dalka way muujiyeen  kalsoonida iyo taageerada ay u hayaan. Markaannu ku guulaysanno talada dalka hadii Alle yidhaahdo waxaannu horumarinaynaa arimaha bulshada, waxaannu culays wayn iska saaraynaa xoojinta iyo sugista nabadgalyada, waxaannu dadaal u galaynaa in dawladaha deriska ah aannu iska kaashanno ka wada shaqaynta nabad ku wada noolaanshaha dadyawga deriska ah, isla markaana layska kaashado kobcinta dhaqaala iyo wax is weydaarsiga.

S: Waxaad ahaan jiray Wasiirka Warshdaha dawladdii Madaxwayne Rayaale, markii aad is casishay waxaad sheegtay in Musharaxii UDUB ee Jagada Madaxweynuhu aanu diyaar u ahayn inuu tartamo, Maxaad is leedahay hogaamiyaha Ururka Wadani  waa ka lilaahi?

J: Gudoomiyaha Wadani C/Raxmaan Ciro waxa muuqda inuu diyaar u yahay inuu dhaqaajiyo oo uu ka midha-dhaliyo rajada ururka Wadani, waxaanan aaminsanahay inuu maalinta ay timaadaba uu maalin uun ku guulaysan doono hoggaanka dalka. Sidaad la socoto Gudoomiyahu  waxa uu  caan ku yahay xilkasnimo, run-sheeg, daacadnimo iyo dal jacayl.  Shaqsiyadda gaarka ah ee Gudoomiye C/Raxmaan wuxuu door laxaad leh ka qaatay sidii uu u heli lahaa xubno fir-fircoon, aqoon leh, islamarkaana ku shaqaynaya siyaasadda ururka.

S: Maxaa ka jira wararka sheegaya in ururka aad ka midka tahay ee WADANI ay dawladu siiso taageero dhaqaale?

J: Horta marka ay jirto wada tashi, is xilqaan, dulqaad iyo isu tanaasul waxa  hubaal ah in arin wal oo laga wada shaqeeyaaba noqonayo mid guuli ka timaaddo. Annaga Urur WADANI ahaan waxa noo asaas ah talawadaag, waxana hawsha wada xubno isku kalsoon taladana hoos ayaannu u daadejinay. Arintan kale ee aad i waydiisa waan ku qosalay waayo, dee dawladdu horta waa ayo dawladdu waa inaga oo dhan, dawladdu waa tan suurta galisay in la furo ururada lana tartansiiyo, haddiise aad u jeeddo in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay dhaqaale siiso ururkan WADANI, waxan ku leeyahay waa waxba kama jiraan warkaasi, waana dacaayadaha raqiiska ah ee ururada ku hungoobay kalsoonidii dadka, iminkana qabiilka cuskaday ka soo yeedhaysa. Ururkan waxa ku midoobay xubno maalqabeen dalka gudahiisa iyo Dibaddaba isaga yimi, wax garad garaadkooda maalaya iyo Siyaasiyiin hore oo dhamaan jeebkoodu qoyan yahay, isla markaana huraya ama aan ka dhabcaalayn inay hantidooda bixiyaan.

S: Waxa jira warar sheegaya in qaar ururada ka mid ahi ay Ardaydii dugsiyada basas ku soo gureen oo ay lacag yar siiyeen markii lagu jiray hawshii Madaxtaabashada ee gobolka Sool, arintaasi saw ma jirto?

J: Horta mar haddii aad kalsoonida dadka haysato waxad isu soo saari kartaa intaad doonto waayo dee dadku iyaga ayaa soo baxaya, umana baahnin inaan dadka lacag ku baayacno ama degaanno ka baxsan goobaha laysku eegayo  dad ka soo daad guraynno sida ururada qaar caanka ku noqdeen. Waxan jecelahay Wasaaradda waxbarashadu inay dib u eegis ku samayso siyaasadda Dugsiyada dalka lagu maamulo, isla markaana ay soo saarto sharci ka hor istaagaya maamulka iyo macalimiinta iskuulada inay Ardayda meel u qaadaan iyada oo aan la wargalin waalidiinta dhashay. Gobolka Saraar Magaalada la yidhaahdo WADAAMAGOO waxa aannu kula kulannay xaalad waalidiintii ardayda dugsiga aanay ka warhayn meel caruurtoodii la geeyay, waxaana dhacday Ururada ay ka mid yahiin UMADDA inay ardayda u qaybiyeen lacag gaadhaysa $5 (shan Doollar) Ardaygiiba loona raray magaalada Caynaba iyada oo aan waalidiintii waxba loo sheegin. Ururkayaguna marnaba muu keenin dad ama caruur gobolo kale jooga oo basas kumuu soo gurin, taasina waxay keentay in kalsoonida iyo taageerada dadku noo  hayo in aannu meel walba guul kala carawno.

S: Maxaa ka jira wararka sheegaya in ururka UDHIS lagu Shiiday Magaalada Caynaba oo lagu soo abaabulay qaar ka mid ah dadka deegaankaas?

J: Arintaas iyada ah runtii anigu ma maqal, waxaanse aan hubaa in naloo muujiyay ixtiraam, soo dhawayn iyo qadarin intii aannu joognay deegaanka Caynaba, nabadgalyaduna ay aad u sugnayd waayo waxaan arkayay ururro laamiga dheer ku dabaal degaya. Ururka UDHIS waan ogaa inaanu wax dad ah haba yaraatee ka helin degaanka Caynaba, waxaana laga yaabaa in taas loogu turjumay in la yidhaahdo waa la shiiday.

S: Hogaamiyayaasha ururada WADANI iyo UMMADDA labaduba waxay ka soo wada jeedaan beesha galbeedka Burco, miyaanay kuu muuqan inay isla hadhi karaan oo aanay taageerayaasha beeshoodu u qaybsami Karin?

J: Waxaan qabaa anigu inaan Ururka UMMADDU ka soo gudbayn is reeb-reebka hore, wax doorasho ahna isuma soo taagi doono waayo Anshax xuma badan ayaa ka muuqata habdhaqanka ururkan, qaab fool xun oo aynnu doonaynno inaynnu ka soo gudubnana wuu isticmaalayaa, marwalbana cid ayuu caayaa ama aflagaadaynayaa. Dadka la rarayo iyo baayacatanka lacagta ee uu isticmaalayaana waxay daliil cad u yahiin kalsooni darada haysa Gudoomiyaha  Ururka WADANI Dr. Gaboose. Guddoomiyaha ururka WADANI hadii aan isagana wax yar ka yidhaahdo waa shaqsi ay shacbiga Somaliland si fiican u wada garanayaan habdhaqankiisa hogaamineen, isla markaana waa nin ka siyaasisan Gaboose oo waa nin mudo dheer soo ahaa Diblomasi, isla markaana Guddoomiyaha Golaha Wakiilada wakhti dheer si hawlkarnimo leh u soo hogaaminayey.

S: Ugudanbayntii  waa maxay fariinta aad u dirayso taageerayaasha urur siyaasadeedka WADANI ee aad ka tirsantahay?

J: Ilaahay ayaa mahad leh, waxan doonayaa inaan hambalyo iyo salaam u diro taageerayaasha Ururka Wadani, waxaanan leeyahay waxaynu ka gudubnay Shuruudii Madaxtaabashada oo kaalinta 1 aad (koowaad) ka galnay imtixaanadii iyo is reebreebkii hore, waxa ina sugaysa hawsha horaanteedii iyo sidaynnu guushaa aynnu gaadhnay u ilaashan lahayn, waxana loo baahan yahay in la hawlgalo oo dadka inta hadhay aynnu ku soo hogaaminno ururka. Ilaahay waxan ka rajaynaynaa GUUL GUUL

Sources, Haatuf




%d bloggers like this: