Wasiir Samamale oo xilkii ka qaaday Mamulkii Kastamka Kala-baydh
Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Sammaale, ayaa maanta xilkii ka qaaday Maamulihii Kastamka Kala-baydh Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen (Cirro) iyo Maamule-ku-xigeenkiisii Mr. Yuusuf Maxamed Cabdi (Yuusuf-qani).
Wasiirku waxa uu Maamulaha Kastamka Kala-baydh u magacaabay Cabdirisaaq Muxumed Aaye iyo ku-xigeenka cusub ee kastamka Maxamed Xuseen (Dayr) oo hore u ahaa Chief-cashierka Kastamka Kala-baydh.
Ma jiro war rasmiya oo ku saabsan xil-ka-qaadista Wasiir Sammaale, haseyeeshee ilo-wareedyo shebekadda Berberanews ka heshay dhinaca wasaaradda Maaliyadda, ayaa tibaaxay in tallaabadni ka danbaysay qorshayaal uu dejiyay wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi oo weli daaha dabadiisa ka haga qorshe uu ku maaganyahay inuu ku fashilo Maamulka Wasaaradda ee Wasiir Sammaale.
Muddo kooban ee uu joogay waxa uu Sammeeyay isbedello dhinac qudha ah oo loo arkayay inaanay ahayn kuwo nasteex u ah dhibaatooyinka iyo mushkilada Wasaaradda Maaliyadda oo ka duwan wasaaradaha kale ee dalka maadaama ay tahay wasaarad dakhli-soo-saar
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Sammaale,oo hore u ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland waxa Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo u magacaabay xilka Wasaaradda Maaliyadda Bishii March 2012.
.
Berberanews.com
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17542



-
Designed by