Wasiirka Khayraadka Biyaha Oo Shahaadooyin Ku Maamuusay Khubaro uu Magcaabay Oo Wasaarada U Qaabilsan Helista Biyo Dadka ku Filan

Hargaysa(Berberanews) Wasiirka Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali koore Ayaa Markii ugu horaysay Abaal marino Gudoonsiiyay Khubaro Wasaaradu u Xilsaartay Sidii Dalka Loogu Samayn lahaa Isku Filaansho Dhinaca biyaha

“ Waxaan maanta Iskugu Nimi Shirkan Waxaanu Magcawnay markaanu Waqti Fara badan iyo Wada tashi badan oo Aanu samaynay Khubaro iskugu Jirta Muwaadiniin Iyo Dad Saaxiibada Somaliland Ah kuwaasi oo Aqoon,Waaya aragnimo Iyo Khibrad Baahsan u leh Biyaha Isla markaana Waqti Kala duwana kasoo Shaqeeyey Biyaha,Magaca Aanu u bixinayna Waa Khubarada Horumarinta Biyaha ee Wasaarada Khayraadka biyaha Dalka “

“ Waxaan Isleeyahay Aqoontaas Iyo Meelaha Ay kasoo kala jeedaan iyo Welibana Khibradoodi Wax Badan Bay kusoo kordhin Doonaan Wasaarada biyaha JSL,Waxaanu Isleenahay ka Faaiidaysta Khibradooda,Waxaanu isleenahay Ka faaiidaysta Aqoontooda,Waxaanu isleenahay Ka faaiidaysta Xidhiidhkii noo Dhexeeyay,Waxaanu isleenahay ka Faaiidaysta Xogogaalnimadooda,Si Wasaaradanina Ay u jaangoyso Waxa Ay qaranka Wakiil uga tahay oo Ah Sidii Bulshada Somaliland Biyo ku filan u heli Lahayd Miyi Ilaa Magaalo,Qofkasta oo Madasha Joogana hadii uu Inyar oo Waqtigiisa ka mid ah ugu Deeqo Dadkiisa Wax weyn Ayaan hubaa Inuu Kusoo kordhin doono “

 




%d bloggers like this: