Berbera News | Daily News Update

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland oo la kulantay Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida

Jigjiga(Berberanews)=Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Xirsi Gaani ayaa Xafiiskiisa kula kulantay Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar.

Wasiirka oo booqasho ku tagtay Magaalada Jigjiga, ayaa waxa Xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Madaxweyne Cagjar, soo dhaweyntaasoo ay iyaduna dhankeeda uga mahad-celisay.

Inkasta oo aanay Xukuumadda Somaliland war rasmi ah ka soo saarin kulanka labada dhinac, hase yeeshee ilo-wareedyo laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Wasaarada Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegaya in Wasiir Hinda Madaxweynaha Dawlad-deegaanka ku amaantay horumarka maamulkiisu ka sameeyey nabad-gelyada iyo xasiloonida Gobolka wixii ka dambeeyey qalalaasihii Gobolkaas ka dhacay Bishii August ee sanadkii tegay.

Waxa kale oo ay wararku intaa ku dareen inay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka walaalnimo ee u dhexeeya Dawladda Somaliland iyo Dawlad-deegaanka.