Wasiirkii hore ee Xanananada Xoolaha Oo Geeriyoodey
Hargeysa (Somaliland.Org)- Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland ee xukuummadii UDUB Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, ayaa xalay ku geriyoodey magaalada Hargeysa.
Marxuum Idiris Ibraahin oo maanya lagu aasay magaalada Hargeysa Hargeysa waxa aaskiisa ka qaybgalay Guddoomiyayaasha xisbiyada Qaranka oo ay ka mid yihiin Faysal Cali Waraabe, Axmed Yuusuf Yaasiin, Muuse Biixi Cabdi, qaar ka mid ah Wasiiradda xukuummadda talada haysa, Maamulka Gobolka Saaxil, Maayarka Berbera, siyaasiyiin, cuqaal, madaxdhaqammeed, salaadiin iyo boqollaal qof oo ah ehlada iyo asxaabta Marxuumka.
Alle ha u naxariistee Marxuum Idiri Ibraahin oo muddo dheer ku shaqaynayay Dhakhtarka Xoolaha waxa xilka Wasiirka Xannaanada Xoolaha u magacaabay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin sanadkii 2003 oo uu hayay tan iyo 2010, waxaana Marxuumka xalay dhiig kaga furmay madaxa.
Waxa dhambaalo tacsi ah u diray qoyskii Dr. Idiris Ibraahim Cabdi Guddoomiyeyaasha xisbiyada KULMIYE, UCID iyo UDUB Md. Muuse Biixi Cabdi , Faysal Cali Xuseen iyo Axmed Yuusuf Yaasiin waxaanay marxuumka ILAAHAY uga baryeen inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Marxuum- Idiris Ibraahim Cabdi waxa uu xiligan ka mid ahaa Garabka Xisbiga UDUB ee uu hoggaamiyo Ku simaha Guddoomiyaha ahna Gudoomiye Ku xigeenka xisbigaasi Md. Axmed Yuusuf Yaasii, isagoo siyaasiyiinta u olalaynayay murashaxa Jamaal Cali Xuseen oo u tartami doona jagada madaxweynaha doorashada madaxtooyada ee soo socota.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email,info@berberanews.com
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=11189



Inalilah wa inaa ilayhi raajicuun ilaahay janadii haka waraabiyo ehelkiisiina samir iyo iimaan ha ka siiyo.