|

Wasiirro ka tirsan dawlada Somaliland oo ka qaybalay kulan dhinaca Taleefanka ah

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa kulan dhinaca telefoonka ah oo ka qabsoomay xarunta dalka Maraykanka ee (Washington), ayaa xog-waran ka siiyey qurba-joogta Somaliland ka qaybgalka Somaliland ee shirka dabayaaqada bishan ka qarsoomi doona magaalada London ee lagaga hadali doono arrimaha soomaalida iyo xalaada guud mandaqadda.

Sida ay ku warantay Wakaalada Wararka ee Solna Kulankan oo uu soo qabqaabiyey wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Rashiid Nuur Gaaruf oo qarsoomay xalay, ayaa waxa ka qaybqaatay toddoba kun oo qurba-jooga Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka kuna sugan madasha kulanka ee Washington.

Iyada oo dhinac kalena ay khadka telefoonka kulankan kaga qaybqaadanayeen qurba-jooga Somaliland ee ku dhaqan waddamada ay ka mid yihiin Ingiriiska, Canada, Australia.

Wasiiradu waxay faahfaahin ka siiyeen shirka lagu casuumay Somaliland ee lagu qaban doono London iyo xaalada guud ee dalka iyo gaar ahaan dhinacyada nabadgeliyada.

Wasiirka arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in aanu shirkani wax saamayn ah oo taban u lahayn qaranimada Somaliland.

Wasiirku wuxuu ku dooday in Somaliland ay qadiyadeeda u gole geyn doonto shirka London oo ay ku casuuman yihiin afartameeyo dawladood oo isugu jira qaadhaan bixiyeyaasha, wadamada gobolka iyo dunida carabta.

Wasiirka arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) ayaa isna kulankaasi ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyay xaalada guud ee dalka.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Saaxibadaa Twitter ug gudbi warbixinta



--------------------------


Short URL: http://www.berberanews.com/?p=11465

Posted by on Feb 6 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply



Recently Commented

  • Abdilahi Jama mire: Berberi wax go’ lagu qaado ka weyn, haddii lawada dheefayo ok haddii kale maya
  • Berberaawi: Alaylehe qalinkaaga khadku kama dhamaado waar odayaashan magac baad u heshay xarago waxaa la ogaa ama la...
  • Cabdiraxman: Kuwani Salaadiin maaha ee waxa la yidhaa DHAAMEEL KA DHURSUGAYAAL markaa dhaameelkooda ha iska qaataan...
  • sahan: Asc waxaa aad layaab u leh werrshadani miyaamay hanti qaran ahayn, ma waxay somaliland oo dhani raali ka tahay...
  • yuniz: SXB, Qalinkaagu Khadku kama dhamaado

Gacal Store