Berbera News | Daily News Update

Wax ka ogow xaaladda siyaasadeed ee Ethiopia iyo loollanka u dhexeeya Oromada iyo Tigreega

Kulan afar maalmood socday oo aan waxba la iskula hadadhin ayaa shalay lasoo afjaray. kulankaas oo ay foodda isku dareen Oromada oo dalka taladiisa haysa iyo tigreega xilka lagala wareegey oo Difaac ku jira .

Waxyaabaha tigreegu ku doodayay Ee uu oromada ku haystay ayaa ah:-

  • Wixii xisbigu ku heshiiyay oo oromadu ka leexatay

  • heshiisyo aan loo dhanayn oo dawladaha deriska lala galay

  • Faragelin federaal ku deegaanada ku hayo

  • mucaaradka hubaysan Ee lasoo geliyay dalka oo Amni darro sababay (khaasatan jabhadda oromada)

Intaas qodob oromada lagu qiimeeyey

Oromadu waxay ku doodaysey qodobadan hoose.

  • hub sharci darro ah oo uu tigreegu dalka soo geliyay

  • lacago si sharci darra ah dalka looga saaray ,lacago si sharci darro ah bank yada loogala baxay oo aad u fara badal

  • amardiido cad oo federaal ka lagu sameeyey

Khaasatan arimaha la xidhiidha soo qabashada denbiilayaasha

  • qalalaase siyaasadeed oo tigreegu dalka ka dhexwado

  • ka hor imaashaha isbadalka

Labada dhinac eedaymahooda ayaa qaadatay In laga doodo 3 maalmood mmaalinkii, waxaana maalintii afraad

hadlay sidii xal loo keeni lahaa

Ciyaartu waxay kusoo dhamaatay (wax qaado waxna ka tag)

1.tigreegu wuxuu ogolaaday is badalka In ay la jaanqaadaan ayado aan ayaga labada gelin si gaar ahna loo bartilmaameedsan

2.in dawlada federalku deeganada faragelin

3.in la si wada jir ah looga hortago isir nacaybka tigreega Ee shacabka Ethiopia kusii baahayo

4.in gacan bir ah lagu qabto jabhadaha gudaha dhibta ka wada

Oromaduna waxay ogalaadeen In tigreega si gaar ah cid u raadsan

-In lawada shaqeeyo  wixii dan guud ahna waxla iska waydiiyo

-In tigreegu ka shaqeeyo sidii deegaanka tigreega isbadal dhab ah uga dhalan lahaa

-In doorashada si kalsooni ku jirto la isku garabsado

-in tigreegu u hogaansamo heshiisyada dawlada federaal ku la gashay dawladaha deriska

-In amniga iyo xasiloonida dalka la iska kaashado

Iskusoo wada duubo heshiis waraaqo lagu qorey ayaa lakala saxeexday lknse way adagtahay In la hirgeliyo oo lagu dhaqmo .

Waxaana dhici kara In qaabkii loo fulin lahaa hodhow la isku maan dhaafo oo khilaaf cusubi qarxo .

Waxaa kaloo culays ka jiraa jabhadda oromada oo tigreegu ku adkaystay In gacan lagu qabto

Hawshaana Waxa shaqo ahaan loo siiyay abiye ahmed lamana oga sida uu ugasoo bixi

Guud ahaan waxaa la isla qaatay In shacabka la dhagaysto xuquuqda shacabkana la dhowro , Dimuqraadiyadda la xoojiyo iyo in khilaafaadka kadhasha dhulka iyo isirka na wada hadal lagu xaliyo.

Waxaa qoray Cabdiaalaan Sheekh Xuseen.

Wabilaahi tawfiiq