BREAKING NEWS
Hargeysa (Aftahannews)- Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa qirtay in ay duqayn dhanka cirka ah ku laayeen tobonaan qof oo rayid ah oo saarnaa gaadhi bas ah bishii lasoo dhaafay uuna ahaa khalad militari oo aan bareer ahayn. Baadhitaan uu sameeyey isbahaysigu ayaa lagu ogaaday in khalad uu dhacay – wuxuuna sheegay in dadkii masuulka ka ahaa weerarka lala xisaabtamo. Dalka Yeman oo dhibaato ay ka taagan tahay Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen. Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedhay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka. Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay. Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay badhtilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.
Search

“waxaan Aqbalay Madaxweyne xilka Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Kenya ee aad ii magacawday.” Safiir Baashe

Hargeysa(Berberanews):- Safiirkii Somaliland u fadhiyey Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay inuu aqbalay xilka uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u magacaabay, isaga oo maanta u magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiyi doona dalka Kenya, xilkaas oo uu markii ay Maanta Magacaabistiisu soo baxday Baashe Cawil la shaaciyey inuu diiday, ayuu sheegay inuu aqbalay.

Waxa uu Baashe Cawil aqbalaaddiisa ku sheegay Qoraal uu fiidkii caawa soo dhigay Bartiisa Facebook uu ku leeyahay, kaas oo Aftahannews.com ka soo xigatay, ayuu sheegay inuu ugu mahad-naqayo Madaxweynaha iyo sidoo kale Imaaraadka oo uu sheegay inay Somaliland si fiican isu garab-taageen.

Qoraalka uu Bartiisa Facebook ku baahiyey Safiir Baashe Cawil, waxa uu ku yidhi oo Qoraalkiisu u dhignaa sidatan:- “Mahad-naq Iyo Maalmo Kale Oo Aynu Qaranka Ugu Addeegno Hal-Abuurid, Iyo Hirgalinta Hiigsiga Somaliland Ay Leedahay.

Mudane Madaxweyne waxaan kaaga mahadnaqayaa wada shaqayntii iyo garab- galkii aad safaaradda Somaliland ee Imaaraadka ka siisay xoojinta Xidhiidhka Ganacsi, Amni Iyo dhaqaale ee aynu la lahayn dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaan si gaar ah ugu mahad-naqayaa dhammaan Shaqaalihii Safaarada sidii dadaalka Iyo daacadnimada lahayd ee aad ugudan jiray shaqada aad qaranka uhaysaan, waxaan sidoo kale umahadnaqayaa dhammaan madaxda Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sida gobonimada leh ee ay Somaliland u garab joogaan xaalad adag iyo mid fudud ba.

Ugu dambayntii waxaan Aqbalay Madaxweyne xilka Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Kenya ee aad ii magacawday.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Baashe Cawil oo xilkaas hayey tan iyo markii 2015-kii u magacaabay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Soddog u ah.

Share Button
Please follow and like us:
0