Wayne Rooney: Ma Jiro Xul Doonaya Inuu Ka Horyimaado Xulka England.

Custom Search

England (Berberanews Sports):- Wayne Rooney ayaa cadeeyey awooda uu xulkisu u leeyahay inuu wajaho xulka kasta oo ka soo qeyb galay Euro 2012, wuxuuna rumeysan yahay inuusan jirin waqtigaan xul doonaya inuu wajaho Three Lions wareega sideed dhamaadka.

Ka dib ka soo laabashadiisii laba kulan oo ganaax ah, weeraryahanka ayaa kusoo bilowday ciyaartii xalay isagoona ahaa dhaliyaha gool keliya ee xulkiisa u sahlay guusha.

Ciyaaryahanka Manchester United ayaana rumeysan in ku dhameysashada hogaanka Group D,ayna haystaan afar maalmood oo ay ku nastaan ilaa iyo wereega sided dhamaadka in wiilasha Roy Hodgson aanay cidna dooneyn inay ku wajahdo bandhiga Poland iyo Ukiraine.

“Waxaan u maleynayaa waan ognahay tayada -yada iyo waxa aan awoodi karno,”Rooney ayaa u sheegay ITV.

“Si wada jir ah ayaan u shaqeynay xaqiiqdii waxaa qabanay shaqo adag, waxaan tababarka ku sameynay farsamo ciyaareed fara badan, wayna adagtahay in nala garaaco,” ayuu ku daray.

“Ma umaleynayo inuu jiro xul doonaya inay la ciyaaraan, waa adag tahay in nala burburiyo. Waxaana heysanaa ciyaaryahano goolal dhalin kar, sidaasi darted haatan si fiican ayay wax walba ku socdaan”

Rooney ayaana madax ku dhaliyey kubad uu ka helay kabtanka xulka England Steven Gerrrard Three Lions ayaana ku wajahaaya wergeega 8da xulka Italy.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports

 

 

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17458

Posted by on Jun 20 2012. Filed under CAYAARAHA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta