Weriyeyaal Qarax ku dhintay oo la aasay iyo Weriye maanta dablay hubaysani Muqdisho ku toogteen
Muqdisho-(Berberanews)- Allaah ha u naxariistee, waxa maanta Duhurkii magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu toogtay Weriye Xasan Yuusuf Afsugo oo ka tirsanaa Weriyeyaasha caanka ah ee ka hawlgala Idaacad gaar loo leeyahay oo la yidhaahdo Radio Maanta.
Weriyahaan ayay kooxo hubaysayni maanta ku toogteen degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir, kuwaasoo la sheegay inay markii ay dilka geysteen ka dib halkaas ka baxsadeen oo aan gacanta lagu dhigin, illaa waqtiganna aan si rasmi ah loo aqoonsan haybtooda.
Allaah ha u naxariistee Weriye Xasan Yuusuf Afsugo wuxuu ka mid ahaa Weriyeyaasha ugu caansan magaalada Muqdisho wuxuuna ka soo shaqeeyay warbaahinata dowlada wuxuuna haatan ka tirsanaa Radio Maanta oo ka mid ah warbaahinta Muqdisho.
Dhinaca kale, Allaah ha u naxariistee waxa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay seddax Weriye oo xaley ku geeriyooday qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Weriyeyaashaas maanta la aasay waxa ay kala ahaayeen Liibaan Cali Nuur oo ahaa madaxii wararka TV-ga dowladda iyo Cabdi Sataar Daahir Sabriye oo ahaa madixii wararka Idaacadda Radio Muqdisho iyo Cabdi Raxmaan Yaasin Cali oo ahaa aggaasimihii Idaacadda VOD Radio Xamar.
Liibaan Cali Nuur ayaa lagu aasay deegganka Jaziira oo ku yaalla duleeka degmada dherkenley halka Cabdi Sataar Daahir lagu aasay isbitaalka Madiinka, waxa kaloo degmada Yaaqshid lagu aasay Cabdi Raxmaan Yaasin aggaasimihii Radio Xamar. Weriye Liibaan ayaa waxa uu ka geeriyooday labo xaas iyo seddax carruur ah, halka la ii sheegay Cabdi Sataar uu lahaa xaas, Cabdi Raxmaan Yaasina waxa uu lahaa xaas iyo ilmo.
Tirada wariyaasha la dilay ayaa kordhay kaddib markii maanta barqadii kooxo hubeysan ay ku toogteyn isgooska baar ayaan ee degmada Yaaqshid wariye Xasan Yuusuf Absuge,oo ka tirsanaa shaqaalaha Idaacadda Maanta.
Weriyaha ayaa la sheegay in ay toogeyn kooxo hubeysan isagoo markaas ka soo baxay Idaacadda uu u shaqeenaayay isla markaana uu ka ahaa madaxa barnaamijiyadda.
Wariye Xasan Yuusuf Absuge ayaa ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho, GBC, VOD iyo Somaliweyn Radio, waxana uu ka mid ahaa ragga mudda dheer ku jiray saxaafadda Soomaalida.
Dhinaca kale Maamulka Isbitaalka Madiina Oo Ka Warbixiyay Dhaawacyada La Keenay 24-kii Saac Ee La Soo Dhaafay Isbitaalkooda
Aggaasimaha Isbitaalka Madiina Maxamed Yuusuf oo maanta saxaafadda kula hadlaayay isbitaalka gudihiisa ayaa sheegay in ilaa lix qof ay dhinteyn kuwaasoo afar ka mid ah iyagoo meyd ah la keenay isbitaalka halka labada kale ay dhinteyn mardame oo xaley ah.
Wuxuu sheegay in ilaa hadda 13-qof oo qaba dhaawacyo kala duwan ay jiifaan isbitaalka kuwaasoo lagu dedaalay in ay helaan dawoooyin fiican iyo xannaano. Muqdisho lagama maqlin dhowr bilood dhawaqa rasaasta iyo isqarixinta iyo dilalka qorsheesaan laakin maalmahan dadka waxa ay maqlayaan wax yaabo ay ka soo daaleen.
Dalka Soomaaliya ee colaaduhu ragaadiyeen 21-kii sano ee u dambeeyey waxa uu ka mid yahay meelaha ugu daran Afrika iyo guud ahaanba caalamka ee lagu waxyeeleeyo saxaafadda sida ay lee yihiin hey’addaha caalamiga ee u dooda saxafiinta adduunka.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=20839



-
Designed by