“Xagga Qabyaalada Daahir Rayaale Ayaa Ka Qabyaalad Yaraa Madaxweyne Sillaanyo” Eng Maxamed Xaashi Cilmi

Hargeysa (Berbera news) Akhristayaasha Geeska Afrika, waxaanu halkan ugu soo gudbinaynaa qaybta labaad ee waraysigii aanu la yeelanay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, oo ahaa wasiirkii kordhiyay markii u horaysay miisaaniyada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxbarashadana bilaash ka dhigay islamarkaana mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha dawladda 100% kordhiyay intii uu xilka hayay.

 

 

 

 

Isagoo ka hadlaya camal la’aanta dhallinyarada iyo sida xal loogu heli karo, wuxuu yidhi “Jaamacadaha Kumaan Dhalinyaro ah ayaa ka soo baxa, Tahriibikii ayaa Dhalinyaro badani inagaga dhimatay, Dad badan ayaa shaqo la, waa in la jiheeya, haddii la jihayn waayo Nabadgeliyadii meeshii wey ka baxaysaa, markaas haddii Lacag lagu caawiyo, oo dadka saboolka ah fara qabsi looga dhigo, oo haddii tusaale ahaan u soo qaato dadkan danyarta ah ee Khudradlayda iyo Caanolayda, in inta Guruubyo loo sameeyo oo xooga loo dhiso oo oo Labataan Malyuun la siiyo, wax weyn ayey u qaban lahayd.Dhalinyarada Jaamacadaha ka soo baxay ayaa la odhan lahaa isku taga oo Mashruuc ayaa laga caawin lahaa, Mashruucaas marka laga caawinayana iyaga ayaa fikrad keeni lahaa, weyna shaqaysan lahaayeen, dalku uu inagu fulin yahay, dalkhligu markii uu marayey waxa uu maraayey, boqolkiiba saddex iyo sideetan malyuun,( 83%)waxa aanu qaadnay boqolkiiba afar iyo labataan, waxaana hadhsanaa boqolkiiba boqoliiba lix iyo todobaatan (76%).

 

 

 

 

Nidaam ayeynu u baahan ahay in danyartii sare u soo qaadno ayeynu u baahanahay, in Shaqaalihii Mushaharka loo kordhiyo, Ciidamadii Mushaharka loo kordhiyo, oo waxa ay ku noolan karaan la siiyo”. Maxamed Xaashi mar uu ka hadlaayey Warshada Sibidhka iyo sida loo bixiyey waxa uu yidhi “Warshada Sibidhka halka la yidhi ha u xidhnaato Dahabshiil iyo in yar oo Deegaankaas ah, iyo Arday Kuwaiti ah oo degan Sheekh, halka intaas looga xidhayo, waxa ay ahayd wax dadka ka dhexeeya ee in la iibiyo saami, Sheerkaas oo ka ugu yar iyo ka ugu badan loo cayimo, oo dabadeed dadkeenu dal iyo dibada halka uu degan yahay, oo dhan, Sheerkaas laga iibiyo, kolkaas Sheerkaas dad badan ayaa geli lahaa, oo Warshadu sare ayey u kici lahayd, oo dad badan ayaa geli lahaa, oo yaan la joojin oo Mashaariic kale ayaa la sameeyn lahaa sida Kalluunka iyo Rinjiga, Warshado badan iyo Mashaariic badan ayaa inoo soo bixi lahaa, oo Warshad weyn oo waxaas oo dhan ka dhexeeysa ayey noqon lahayd, oo mid walba loo sameeyo maamulkeeda, waxa inoo soo bixi lahaa Shaqaale aad u badan, Shaqaale kale ayaa ka sii farcami lahaa, markaas waxa aynu nidhi intaas ha u xidhnaato, oo waxa aynu ka hadalnaa waa la shaqo la’ yahay.”

 

 

 

Maxamed Xaashi Cilmi mar uu ka hadlaayey Misaaniyada Dawladda ee Sannadkan waxa uu yidhi “Waxa aynu maraynaa Sannadkan Misaaniyada 152-milyan, Sannadka dambena wuu ka sii badnaanaya oo ilaa iyo 180-milyan ayaa la iigu sheegay, 47-milyan ayeynu ka soo qaadnay, ilaa halkaas ayeynu maraynaa, oo lacagtaasi wey korodhay, halkiin maxa lagu qabtay ayaa taala, sidana wax ku socon mayaan ee wax ha la hagaajiyo”..

 

 

 

Mujaahid Maxamed Xaashi oo la weydiiyay waxa uu qaban lahaa haddii uu sii ahaan lahaa Wasiirka Maaliyadda ilaa wakhtigan ayaa yidhi “Anigu dayn badan ayaan la kulmay, oo Shaqaalaha ayaa Afar bilood Mushaharkoodii lahaa, Ciidamadu Laba bilood ayey lahaayeen, Raashinka Ciidamada, Cusbitaalada iyo Jeelasha oo is gaadhay oo dhawr Milyan ahaa, amaahdaas sidii aanu ku bixin lahayn ayaanu ku bilawnay, Sannadkii 2012, Boqolkiiba Sodon (30%), ayaan Mushaharka kordhin lahaa, Sannadkii 2013 Boqolkiiba Shan iyo Labataan (25%), ayaan kordhin lahaa, 2014 Boqolkiiba Shan iyo Labataan (25%), ayaan kordhin lahaa,2015 waxa aan kordhin lahaa Boqolkiiba Labataan (20%), halkaas boqol kale ayaa kordhi lahaa,markaas waxa ay noqon lahayd qofka ugu hooseeya Mushahaka ee Darajada D ku qaata ee 26-Doolar qaadanayey inuu Sannadka 2015 uu qaato 127 Dollar bishii, kolkaas waxa ay ahayd in la isku miisaamo Misaaniyada iyo Nolosha.”

 

 

 

 

Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu Geeska Afrika wax ka weydiiyay inuu is barbar dhig ku sameeyo Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Daahir Rayaale, waxaanu yidhi “Awrka dambe Awrka hore socodkiisa ayuu leeyahay, Maareeyihii hore ee Dekada ayuunba halkii jooga, Macdantuna waa sidii waxba ismay bedelin, Daarihii ay bixinayeen Xukuumaddii hore ee ahayd Talabadii xumayd ee ina Rayaale bilaabay wali wey socotaa, oo wali waatan la urursanayo, Nin walba oo Wasiir ah waxa la odhanayaa Daartaas ayaa la siiyey oo loo hibeeyey,waxan oo dhan waa la iskaga iman, oo Umadda ayaa iska leh, oo ka dhexeeya, kolka si loo eego xaggaa Qabyaalada Daahir Rayaale ayaa ka qabyaalad yaraa Axmed Siillaanyo, sida imika muuqatana Madaxweynaha jooga waxa uu dhammaa Madaxweynaha soo socda, Cigaal ayaanu ka cabanay, Rayaale ayaa ka dambeeyey, oo Rayaalena Siillaanyo ayaa ka dambeeyey, oo waxaynu nidhi wakhtigii Daahir Rayaale salamulaa Cigaal, waxayna imika sii maraysa salamulaa calaa Rayaale, oo Madaxweyne walba ka uu ka dambeeyo ayuu ka liita, inta imika ina soo martay Taariikhda”

 

 

 

 

Eng: Maxamed Xaashi mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Waxa aan qabaa inaynu wada hadaladaas ku khasaarnay, waayo shaki ayeynu Caalamkii galinay oo dad kala cadhoonaya inaynu nahay Somaliya ayaa la moodayey,wax ku fiicnayd in Maalintii uu Madaxweynuhu Wakiilka Somaliya ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay uu ku yidhi Dalkani maaha dalkii lagu soo diray, ee waa kaas aanu jaarka nahay ee ha nagu soo noqon,inuu halkaas ka soo noqdo may ahayn ee haddana kii ayaa la casuumay”.

 

 

 

 

Mujaahid Maxamed Xaashi Clmi mar uu ka hadlaayey dadka la hayb sooco, waxa uu yidhi “Waxa ay ahayd in dadkan la habayb sooco in talo loo keeno, oo sidan ay yihiin laga saaro, waxa lagaga saari karaana maaha in Wasaarad walbaaba Nin dadka la hayb sooco ah shaqo ha siiso, waxba ku kordhi mayaan, waxa ay ahayd in nidaam loo dajiyo, oo Jaamacadaha laga bixiyo, oo marka uu Degriiga hore uu qaato, uu ka baxay hayb soocii uu Inanta uu doono ayuu guursanaya, marka uu Degriiga labaad uu qaatana, waaba la bariyi, marka uu PGD-ga uu qaatana waaba la raadin lahaa, hayb soocana muddo aad u gaaban ayeynu kaga bixi lahayn, Carruurta ay iska dhalaan dadka la hayb sooco iyo dadka kale may noqdeen qaar la hayb sooco”.

 

 

 

 

Maxamed Xaashi mar uu ka hadlaayey dhibaatada soo gaadhay qar ka mid ah Mujaahidiintii ku dhaawacmay halgankii iyo sida loo wax loogu qaban karo waxa uu yidhi “Dadkii soo halgmay ee mujaahidiinta ahaa ee halganka ku dhaawacmay ee kaadidu ka dareerayso, xabadii wax ka saara la waayey, oo qaar waasheen, in iyagana wixii lagu caawin karo lagu caawiyo, oo wax loo qabto, oo wixii aan dalka lagu daweyn karayn dibada loo diro, mida kale Dhakhtaradan dibada loo tago dalka waa la keeni karaa, inta la keeno oo Mushahar la siiyo ayaa laga wada faa’iidaysan kari lahaa, ku Xabadi ku jirto iyo ku kaleba.

 

 

 

 

 

Berbera news/Hargeysa




%d bloggers like this: