|

Xalinta Khilaafka Warshada Sibidhku Waxay Ku Jirtaa Kala Qaybin.

Custom Search

Mohammed Ibrahim Abdi

Al Ain, UAE

Markaan dhegaystay doodaha iyo muranda soo noq-noqnaaya ee laxidhiidha dhisitaanka warshada sibidhka ee berbera, markaan eegay baahida uu wadanku u qabo warshad sibidh iyo aqoonta aan u leeyahay warshadaha (gaar ahaan ta sibidhka) waxaan goostay inaan talo ku biiriyo sidii xal loogu gaadhi lahaa kicinta ama samaynta warshadan.

Washadaha sibidhka waxaa lagu tilmaamaa lafdhabarta ama udub-dhexaadka koritaan dhismeed ee wadan, taasna micneheedu waxay tahay, wadana kuma dhismi karo 100% sibidh uu soo waarido.  Dhinac kale hadii laga eegana warshadan waxa lagu tilmaa-maa warshada aan marnanaba lagu khasaarin ee faa-iido uun soo hoyasa dhinaca dhaqaalaha.

Dhexdhexaadinta labada garab ee berbera Sibidh (BS) iyo Saaxil Sibidh (SS)

Mar-hadii la-isla fahmi waayey in la sameeyo laba warshadood, ilaa hadan aan xal mug-leh laga gaadhin saami qayb-sigii warshad kelliya/qudha, waxaan xal u arkaa in la sameeyaan warshad kalliya oo hadana laba warshadoodah taasna micneheedu waa sidan.

Warshadaha sibidhka ee caalamka ka jira waxay u qaybsamaan ilaa 3 qaybood.

  1. Warshada sibidhka sameysa iyadoo ka bilaabaysa qodida ama burburinta dhagaxa buurta illaa-ay sameyso/soosaarto sibidhkii dhismaha loo isticmaalaayey (complete production process).
  2. Warshad samaynteedu ku eeg tahay “Clinker production” kana bilaabmanta qodida ama burbunita dhagaxa buurta kuna istaagta “Clinker production process”.
  3. Warshad soo-saarta sibidhaka (final cement product), laakiin ka bilaabmanta isticmaalista  “Clinker product” (waa halkii warshada 2aad ku dhamaatay), waxa shaqo ahna aan ku lahayn qoddida iyo burburinta dhagaxa iyo samaynta Clinker ka toona.

Marka aynu eegno sadexdan warshadood ee kor kuxusan way cadahay in warshada ama khiyaarka  1aad, yahay middaka haddaba lagu muransan yahay, sidaa darteed khiyaarkaasi ama warshadaas koowaad halkaas ayaynu ku dhaafaynaa.  Dhex-dhex-xaadintuna waxay ku soo ururaysaa BS iyo SS iyo labada khiyaar ee soo hadhay 2aad & 3aad.

Sida muuqata khiyaarada 2 & 3 waa laba warshadood marka laga eego dhinac qaab dhismeedka (physical structure), marka laga eegana dhinac sibidh soosaaridana (cement production process) waa warshad kelliya.  Hadaba su’aasha la iswaydiikaraa waxay tahay sideebay u arkaan labada Garab ee BS iyo SS labadan khiyaar ee 2 & 3.

  1. Hadii garbka “X”qaato khiyaarka 2, shaqadoodu waxay noqonaysaa inaay keenaan warshad ka bilaabmata burburinta dhaxa buurta, qaadid dhaxa ilaa warshadooda, hadana burburinta dhagaxa (crusher), gubida dhagaxa (kiln process) ilaa ay sameeyaan walaxda loo yaqaano “Clinker”.  Clinker-kuna waa lafdhabarta sibidhka oo 89% sibidku waxa laga sameeyaa Clinker-ka.
  2. Garabka “Y” Shaqadoodu waa inay wadanka keenayaan warshad soosaarta sibidhkii loo isticmaalaayey dhismaha (final cement product) iyagoo iibsanaaya, isticmaalaayana Clinker-kii ay sameeyeen Garabka “X”.

Hadii taladan laqaato Garabka “X” xor buu u noqonayaa qiimaha uu kaga iibinayo Clinker-ka Garabka “Y”.   Garabka “Y” xor buu u yahay qiimaha uu sibidhaka kaga iibinayo suuqa.  Laakiin aasaasku waa in Somaliland hesho sibish ka jaban kii debeda laga soo waaridi-jiray, dhibaato dad iyo duunyo toona aan loo gaysan deegaannada laga dhisaayo warshadah.

Faa’iidad kale ee nidaamkan kujirtaa waxay tahay in Garabka “Y” ee qaatay warshada/khiyaarka 3aad, ee soo saaraysa sibidhku aanu u baahnayn in laga dhiso warshadaas Berbera ama quarry-agtiisa.  Warshadan waxa laga dhisayaa meel u dhow customer-ka i.e. Hargaysa ama Burco agteeda.

Ugu daban Somaliland guul bay u noqonaysaa hadii la sameeyo 2 warshadood oo hadan mid ah, shaqo abuur badan, sibidh kalliya, suuqkaliya iyo gacmo walaalo ah.

 

Wasalaamu Alykum

Mohammed Ibrahim Abdi

Al Ain, UAE

Mohammed_ibr40@hotmail.com

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19213

Posted by on Aug 3 2012. Filed under QORMOOYIN. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta