Xiddigii Hore Ee Chelsea Didier Drogba Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Kooxda Shanghai Shenhua.
Africa (Berberanews Sports):- Weeraryahanka reer Ivory Coast oo 34 jir ah ayaa warbixin uu soo dhigay website-kiisa waxa uu ku xaqiijiyay inuu heshiis labo sanno iyo badh ah uu u saxeexay kooxda ka ciyaarta horyaalka China, waxaana uu si rasmi ah ugu biiri doonaa kooxda bisha July.
Faahfaahin heshiiska ku aadan lama shaacinin, lakiin waxaa lagu soo waramayaa inuu China ku qaadan doono isbuucii 200 000 ginni.
“Waxaan ka fiirsaday dhamaan dalabyada la ii soo bandhigay, lakiin waxaa dareemayaa in Shanghai Shenhua FC Inay tahay meesha ugu haboon ee aan u dhaqaaqi karo” ayuu yidhi Drogba.
“Waxaan isha ku hayaa tartan cusub, iyo inaan khibrad u sheegay dhaqan cusub, waana ku faraxsanahay horumarka ay sameynayaan horyaalka China”.“Markii Chelsea ay aaday China sannadkii hore, wakhti fiican ayaan halkaas ku soo qaadanay, waxaana la kulanay taageerayaal cajiib ah. Waxaan rajeynayaa inaan adduunka ku baahiyo kubada cagta China islamarkaana aan horumariyo xidhiidhka ka dhaxeeya China iyo Afrika”.
Drogba ayaa ku dhawaaqay go’aankiisa uu kaga tagayo Chelsea ka dib sideed sanno oo uu kooxda joogay. Waxaana uu go’aankaas gaadhay ka dib markii uu Blues ka caawiyay inay qaadaan markii ugu horeysay taariikhdooda Champions League.
Waxa uu u dhaliyay 157 gool Chelsea ka dib markii uu 2004tii kaga soo biiray Marseille.
Mustafe Maxamud “Kastam”
Kastam@berberanews.com
Berberanews Sports
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17473




-
Designed by