BREAKING NEWS
Hargeysa (Aftahannews)- Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa qirtay in ay duqayn dhanka cirka ah ku laayeen tobonaan qof oo rayid ah oo saarnaa gaadhi bas ah bishii lasoo dhaafay uuna ahaa khalad militari oo aan bareer ahayn. Baadhitaan uu sameeyey isbahaysigu ayaa lagu ogaaday in khalad uu dhacay – wuxuuna sheegay in dadkii masuulka ka ahaa weerarka lala xisaabtamo. Dalka Yeman oo dhibaato ay ka taagan tahay Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen. Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedhay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka. Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay. Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay badhtilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.
Search

Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Oo Soo Saaray Isku Aadka Koobka FA Cup-ka

Hargeysa(Berberanews)-Tartanka kooxaha heerarka koobaad, labaad iyo sadexaad ee (FA Cup-ka) ayaa dhawaan lagu wadaa in Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ka furaan Garoonka weyn ee Hargeisa Stadium,

Tartankan oo ay ka qayb galidoonaan 28 Kooxood ayaa diyaargarawgiisu gabogabo ku dhawyahay iyadoo lasoo saaray  Qaabka kooxaha heerarka koowaad, labaad iyo saddexaad ee caasimadda Hargeysa ay iskugu beegmayaan isku aadka tartanka koobka Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland (FA Cup).

Tartankan ayaa garoonka Hargeysa Stadium ka qabsoomi doona 17-ka bishan ayaa waxa maalgalisay Shirkada Telesom, waxaana sida qorshuhu yahay ciyaar kasta si toos ah looga daawan doonaa HCTV.

Tartankan ayaa waxaa isku aadka Gruopska ay kooxuhu iskugu beegmeen sidan hoos ku qoran.

Group A:

Goodir

FC Seico

Kirix Restaurant 

Diana Club 

Group B:

Xiddigaha Cirka

True Cable TV

FC Sooyaal

Buubaa Hotel

Group C:

Was. Maaliyadda 

Was. Hawlaha Guud 

FC Afgal

Was. Qorsheynta

Group D:

D.H.H

Was. Cadaaladda

FC Waaberi

Asluubta 

Group E:

Gaashaan

FC  Sh. Madar

Al Bacas FC

East & West

Group F:

Was. Ganacsiga

Hass Petroleum 

FC Dannab

Was. Caafimaadka

Group G:

Was. Xananada Xoolaha

Ciidanka Dab-demiska

Maamuus Hotel

Was. Beeraha

Tartankan oo markii ugu horeysay lagu qabanaayo dalka ayaa ah mid xiisihiisa leh , isagoo isla markaasina noqondoonaa talaabo horumar oo taariikhda u galidoonta masuuliyiinta Xidhiidhka Ciyaaraha Somaliland iyo guud ahaanba Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, 

Dhinaca kale tartankan ayaa noqon-doona mid kor u qaada isla markaasina dhiirigaliya bahda ciyaaraha ee Somaliland gaar ahaana barbaarta caasimada Hargeysa ee nasiibka u yeeshay in magaaladoodii laga bilaabo laguna daahfuro

Share Button
Please follow and like us:
0