Berbera News | Daily News Update

Xildhibaan Siciid Cilmi oo ku baaqay Mudaharaad ka dhan Saldhigga Milateri ee Imaaraadka

Hargeysa(Berberanews)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ee laga soo doortay gobalka Saaxil ayaa waxaa uu ugu horeyn hanbalyeeyey mudaharaadkii ka dhacay magaalada London ee lagu diidanaa saldhiga Imaaradka laga siiyey magaalada Berbera.

Xildhibaanka ayaa waxaa uu ku baaqay in mudaharaadkaas mid la mid ah laga sameeyo guud ahaan gobalada iyo degmooyinka Somaliland si loo muujiyo sida loo diidan yahay saldhigaasi