|

Xildhiban Ibraahim Mahdiyaw ma Hargeysa Burburinteeda ayaanu kuu Dooraney

Custom Search

Qalinkii: Yusuf Keyse Allahi

Waxaan marka hore salaamayaa dhamaan saxaafada madaxbanaan meelkastooy jooogaan, gaar ahaan kuwa somaaliland 

Waxaa baryahan saxaafada madaxbanaan ku soo noqnoqoneyey arin kun cosub Somaaliland gaar ahaan hargeysa , siiba siyaasada Doorashooyinka Goloha Deegaanka ee Hargeya.

Taas oo ay wadaan urur siyaasadeedyo, sida Waddani iyo Ummada iyaga oo adeegsanaya dad u dhashey reer Hargeysa  sida IBRAAHIM MAHDI BUUBAA oo kale

Hadaba xildhibaan ibraahim mahdi buubaa oo ka mid ah taageerayaasha urur siyaasadeedka waddani ayaa waxaa uu T.V yada kaga khudbadeeyaa in 25 xubnood oo firfircoon meeshay doonaan ha ka soo jeedaane in aanu gobolka Hargeysa ka sharixi doono

Hadaba maaha markii ugu horeysey ee xildhibaan ibraahim mahdi buubaa uu khalad lidi ku ah Hargeysa uu sameeyo,kuwaas oo ay ka midyihiin 

v Tiraba laba jeer ayaa xildhibaano uu horkacayo laaleen xeerka caasimdda

v Waxaa uu ku guuleystey 4 xildhibaan oo ka soo jeeda Burco inuu ka sharraxo Hargeysa urur siyaasadeedka waddani

v Laba sano ka hor ayay ahayd markuu soo bandhigey mooshin in caasimaddu aaney ku haboonayn Hargeysa

Sidaa daraadeed ma la odhan karaa  xildhibaanku waxaa uu Hargeysa siistey shilimaad marka uu ogaadey taageeradiisii hargeysa in aanay haba yaraatee jirin

Hadaba madax dhaqameedka hargeysa waxaan leeyahey fadhiga ka kaca oo ka hadla arintan golaha deegaanka hargeysa 

Qalinkii yusuf keyse Allahi

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17411

Posted by on Jun 18 2012. Filed under QORMOOYIN. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta