Berbera News | Daily News Update

Xirsi iyo Xaashi oo dood siyaasadeed fooda isku daray

Hargeysa (Berberanews)- Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirkii Madaxtooyada ee Xukuumadii Siilaanyo Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka qayb galay dood cilmiyeed lagu qabtay magaalada Hargeysa oo lagaga doodayay wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Labadan masuul oo madashaasi isku waydaarsaday dood kulul ayaa ku kala aragti duwanaaday wadahadaladii ay gashay Xukuumadii ay ka tirsanaayeen ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo, iyadoo ay wadahadaladaasi ay ahaayeen kuwii ugu badnaa ee intii ay Somaliland jirtay lala galay Soomaliya.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka.