Xog-ururin Badka soo Dhigtay Laacibka loo Sadaalinayo inuu ku Guulaysto Xiddigga Adduunka
Ciyaaraha-(Berberanews)-Wargeyska ugu afka dheer dalka Spain, ayaa xog-ururin uu ka qaaday akhristayaashiisa ku shaacisay natiijo farxad gelisay taageerayaasha Portugal, kana nixisay kuwo Spain iyo Argentina.
Xog-ururintan oo ku saabsanayd ciyaartoyga sannadkan ku guulaysan doona abaal-marinta xiddigga ugu wanaagsan adduubka, ayaa badka soo dhigtay in Cristiano Ronaldo ka horreeyo laacibiinta kula loollamaysa.
Ronaldo waxa uu helay 46.6% codadkii la dhiibtay, taasoo u dhiganta in ka badan 17 kun oo cod, halka Leo Messi oo kaalinta labaad galay uu ka helay 42.4% oo u dhiganta in ka badan 15 kun oo cod.
Booska saddexaad waxa galay ninka Messi saaxiibka yihiin ee Andrés Iniesta oo helay 11.2% una dhiganta 4 kun oo ka mid ah codadkii la dhiibtay, waxana laacibka abaal-marintan ku guulaysta lagu dhawaaqi doonaa 30-ka bishan.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19665




-
Designed by