Xoghayaha Golaha Wakiilada oo Awood u Adeegsaday Bashiir C Geele oo Ka Mid Ah Dhalinyarada Gobolka Sanaag Iyo Shacabka oo Dhaleeceeyey

Hargaysa(BN)Xoghayaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo Awood u Adeegsaday Bashiir C Geele oo Ka Mid Ah Dhalinyarada Gobolka Sanaag Iyo Shacabka oo Dhaleeceeyey kadib Markii ay ku eedeeyeen inuu Sharcoi Daro ku xidhay Wiilkan Dhalinyarada ah

 

Qaar ka mid ah Dhalinyarada Arintani Uga hadlay Baraha Bulshada Ayaa Waxaa ka mid ah Geele Xasan geele oo yidhi Sidan.

“Gacanyaraha cadifada iyo cuqdadu ka buxdo ee xadhiga sharcidarada ah adegsanaya waxa nasiib daaro ah in xoghaayaha mudo dhafka ah ee barlaamanka sharciga jeebiyay”

Dhinaca Kale Maxamed Keyse ayaa isna Soo Qoray in Xoriyadiisa loo celiyo Bashiir oo Xaqdaro ku xidhan isla markaana uu Xoghayaha Golaha Wakiiladu Afduubtay waxaana uu yidhi.

Siyaasi Bashiir Cumar Geele Xidig Oo Ka Tisan Golaha Dhexe ee Xisbiga Wadani Ayaa Ku Xidhan Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Hargeysa , Waxaana Xidhay Xoghayaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, #FreeBashiir

Ilaa Waqtigan lama garanayo Sababta uu Xoghayhu ku Xidhay Bashiir Cumar geele isla markaana Waxaanu isku Daynay Inaanu Wax ka waydiino Xoghayaha Waxa Sababay Xadhigan Waana naga Qaban Waayay telefoonka




%d bloggers like this: