Berbera News | Daily News Update

Xukunkii Wargeyska Haatuf oo faddeexad caalamiya u soo hooyay Somaliland

Hargreysa-(Haatuf/Berberanews)-Xaaska Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ee Aamino Waris, Wiilka uu sodoga u yahay ee Baashe Cawil iyo Baashe abtigii oo ah Wasiirka macdanta Xuseen, ayaa  fadeexadii ay kala kulmeen shirqoolkii ay u maleegayeen wargeyska Haatuf iyo masuuliyiintiisa oo awal ku koobnayd Somaliland gudaheeda ayaa hadda gaadhay heer caalami ah oo hadal-haynteedu todobaadkan oo dhan ku badnayd warbaahinta caalamka, iyadoo kolba qaar ka mid ahi qaadaa-dhigayeen xukunkii layaabka lahaa ee maxkamadda gobolka Hargeysa 25-kii bishan June ku riday Wargeyska Haatuf iyo masuuliyiintiisa, taas oo ay sheegeen inuu ka dhashay dacwado lagu soo oogay Jariiradaasi ka dib markii uu soo bandhigay arrimo musuq-maasuq oo la xidhiidha saddexdaa qof.

Warka ku saabsan go’aanadii maxkamadu ka soo saartay dacwaddan oo iskugu jiray ruqsad kala noqosho wargeyska ah, xadhiga guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tifatiraha wargeyska Axmed Cali Cige iyo ganaax lacageed oo dhan 50 Malyan oo Somaliland Shilings ah, ayaa waxa laga sheegay warbaahinta in ka badan 71 dal, waxaanu warkaasi ku baxay ugu yaraan 54 luqadood.

Idaacadaha iyo telefishanada dhacdadan ku soo darsaday barnaamijyadooda wararka ee baxay 25-kii iyo 26-kii bishan June ka sakow waxa iyaguna war iyo falanqaynta ka qoray Wargeyskayada dunida, iyadoo jaraa’idada caanka ah ee arrintan ka faalooday ay ka mid ahaayeen The Guardian, Republican (Talyaaniga ka soo baxa) iyo Aftenposten  oo ah Wargeyska ugu afka dheer dalka Norway.

Ururadda caalamiga ah ee xuquuqal Iinsaanka iyo kuwa u dooda xoriyadda saxaafadda ayaa iyagu si wayn u cambaareeyey xukunkii qarsoodiga ahaa ee lagu riday Haatuf, taas oo ay ku tilmaameen mid aan cadaalad ku salaysnayn oo baalmarsan sharciga dalka iyo ka caalamkaba, isla markaana suxufiyiintii la xukumayna aan la siinin fursad ay isku difaacaan.

Waxase inta badan warbaahinta caalamka ku soo noqnoqaysay oo lagu xusayey magacyadda marwadda 1-aad ee dalka, wiilka qaba inanteeda Luul iyo wasiirka macdanta oo ay ku nabsan yihiin musuqmaasuqii wargeysku ku eedeyey in saddexdaa qof  ku lug lahaayeen ee markii uu soo bandhigayna Haatuf albaabada loogu laabay.

Eeda lagu soo dacweeyey Haatuf ayaa ahayd in Wargeysku daabacay warar been abuur ah oo uu meel kaga dhacay sumcadii qaar ka mid ah masuuliyiinta qaranka (dawladda).

Hadaba eedan loo cuskaday in laba Wargeys oo dalka ka soo bixi jiray lagu baabiiyo isla markaana masuuliyiintiisana xabisga la dhigo ayaa hadda u muuqata mid Madaxwayne Siilaanyo, qoyskiisa iyo xukuumadda oo dhan gaadhsiisay sumcad-xumadii ugu darnayd ee abid soo marta, iyadoo arrinta Haatuf ku noqotay fadeexad caalami ah oon ka hadhayn abid.

Waxa ka darran taas xukuumadaha badan ee caasimadahooda hadda laga hadal-hayo sheekadda afadda madaxwayne Siilaanyo ee markiiba dagaalka ku qaadaysa warbaahinta maxaliga ah ee soo hadal-qaadda wiilka inanta ka qabba ee maamulkii dawladda ku  milmay iyo wasiirka macdanta ee sida qarsoodiga ah u maamula heshiisyadda shidaal baadhista ee xukuumadda Somaliland la gasho shirkaddaha ajanabiga ah.

Waxay u muuqataa in kuwii ay marwadu u xilsaartay arrinta Haatuf aanay si fiican u qiimaynin khasaaraha iyo faa’idada ka imankarta baabiinta Haatuf iyo Somaliland Times iyo xadhiga masuuliyiintooda.

Marwada Madaxwaynaha Aamino Waris ayaa iyadu jecel in cida wax ka tirsanaysaa ay waliba iyada xaal ugu daraan oo ay siiyaan, taas oo oo aan dacwadii Haatuf waxaan ceeb ahayn aan ka macaashin, isla markaana waxay marwadu galaafatay sumcadii Odaygeeda Madaxwayne Siilaanyo oo isna ku hor fadeexadoobay dawladihii caalamka gaar ahaan kuwii xidhiidhka dhaw la lahaa Somaliland oo wakhtiyo badan ka dhaga-adaygayey codsiyadii kaga imanayey ee ay kaga dalbanayeen in xayiraada laga qaado wargeysyada xidhan isla markaana suxufiyiinta xidhan xoriyadooda loo soo celiyo.

Sidoo kale Gudaha Somaliland marka ay noqoto waxay xukuumadda Siilaanyo xadhigii Haatuf kala kulantay ceeb iyo cambaarayn aan qiyaas lahayn iyo mawqif midaysan oon waayahan la arag oo shacbigu ku diidan yihiin xukunadda qalafsan ee ay maxkamaddaha nidaamku ku rideen Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tafatirihii wargeyskaasi Axmed Cali Cige iyo guud tacadiyada dabarka goostay ee madaxwayne Siilaanyo iyo qoyskiisu kula dhaqmaan warbaahinta madaxabanaan.

Waxyaabaha ay dunidu la yaabtay ee markiiba lagu fahmay inaanu jirin kiis Haatuf qabanayaa waxa ugu horeeyey Xeerkii saxaafadda u gaarka ahaa ee ay xukuumadu diiday in Maxkamaduhu dabbaqaan iyo xaashidii eeda (Charge Sheet) ee ay ku tidcanaayeen 11 maqaal oo Haatuf ku soo baxay oo mid walba laga dhigay dambi gooni ah iyadoon la xussin qodobka gaarka ah ee loo cuskanayo, balse la taxay uun qodobo xeerka ciqaabta ah oo xataa qaar ka mid ahi ay khuseeyaan xaalado kale oo aan kiiska Haatuf ahayn.

Dhinaca kale Xaashida eeda iyo xeerkii saxaafadda oo labadadaba la turjumay ayaa waxa daraasad ku sameeyey koox iskugu jirta xuquuqiiyiin  (Rights Activists) iyo garyaqaano caalami ah kuwaas oo najiiday ka gaadheen ahayd in dacwadu ay gabi ahaanba  jaban tahay oo ay baalmarsan tahay sharciga, iyagoo qoraalo ay u direen xukuumadahooda iyo ururada u dooda saxaafadda dunida sidaas ku wargaliyeen.

Mid ka mid ah khubaradaas xaga sharciga ah ee ka qaybgalay daraasaddaa oo aanu la xidhiidhnay ayaa wuxuu yidhi “Haddaad Baarlamaan wanaagsan oo shaqaynaya leedihiin madaxwaynihiina waxa xilka lagaga xayuubin karaa dabaqaadda xeerka saxaafadda ee uu diidan yahay, cudur-daar sharci ku fadhiyana uma noqon karto in uu arrintan distuur-jabinta ah kaga xuub siibto garsoorka oo uu danbiga oo dhan wada-saxo.

Marka aad eegto sida loo soo qoray xaashida eeda ee aad aragto jahliga badan ee dhinaca sharciga iyo nidaamka dambi oogista ah ee ka muuqda waxaad is odhanaysaa malaha dalka xeer ilaaliyaashiisii iyo garsoorayaashiisu caynkaas yihiin malaha cadaaladi kama jirto”.

Xildhibaan Rayte ayaa isagu hore u bayaamiyey in sharciyan aanu garsoorku xaq u lahayn inuu kala doorto xeerka saxaafadda iyo xeerka ciqaabta guud ee ay waajib ku tahay inuu dacwadaha ka dhanka ah warbaahinta uu garsoorku u adeegsado xeerka saxaafadda oo qudha.

Arrinta 3-aad ee xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, xeer ilaalinta iyo garsoorka dalka ceebta iyo fadeexadda u soo jiiday waxay ahayd xukunkii Haatuf loo sii qadimay ee 7-dii April 2014 albaabada loogu laabay xaruntii guud Wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times iyo xadhigii guddoomiyaha iyo tafatiraha ee lagu xigsiiyey, iyadoo aanu jirin sabab loo garawsan karo oo xoriyada looga qaada intay dacwadu socotay, isla markaana taas oo keentay in indhihii caalamka ee intii hore ku mashquulsanaa dacwadii ku socotay wariyeyaasha AL-Jaziira ee ku xidhnaa dalka Masar ay tan Haatuf-na u soo jeedsadaan oo ay noqdaan labadii dacwadood ee ka dhanka ahaa saxaafadda ee ugu hadal-haynta badnaa caalamka saddex bilood ee ugu danbeeyey, iyadoo labadaba xukunkoodii lagu dhawaaqay dabayaaqadii bishan June ee dhamaatay.

Intay Madaxwayne Siilaanyo qoyskiisa iyo xukuumadiisu ka shaqaynayeen sidii sara-jooga loogu xukumi lahaa masuuliyiinta Haatuf ayaa waxa maalinba maalinta ka danbaysa sii xumaanayey xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd caalamka, kaas oo gaadhay heer lagu tilmaami karo inuu yahay kii ugu xumaa ee soo marra 23-kii sanadood ee ay Somaliland jirtay.