Xukuumadda oo Dhammaystirka Qodobbo Khilaafka Wershadda Sibidhka Berbera lagu damiyay ku Beddeshay Barnaamijka Weji-ku-macaash
Faallo: Weriye Maxamed Xarrago
Berberanews
Hargeysa-(Berberanews)- Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa bilawday mashruuc la magac-baxay Weji-ku-macaash oo ay caan ku ahayd Xukuumaddii Daahir Rayaale iyo Xisbiga UDUB, ka dib markii ay maalmihii u dambeeyey ku hawlanayd abaabul xooggan oo ay ku dhaq-dhaqaajinayso Salaaddiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo Xildhibaanno Baarlamanka ka tirsan, si ay taageero ugu hesho hirgelinta qorshaha ku saabsan Wershadda labaad ee Sibidhka ee magaalada Berbera oo oggolaansho loo siiyey Shirkadda Dahabshiil, arrintaas oo khilaaf badan iyo muran ba’ani ka dhashay toddobaadyadii u dambeeyey.
Inkasta oo ay mashruuca Weji-ku-macaash ee ay Xukuumadda Siilaanyo dib boodhka uga jaftay ayey wadday maalmihii toddobaadkan oo dhan iyada oo kolba raxan af ku hadlaysa oo ay dabada ka waddaa Warbaahinta soo horfadhiisanayeen, halka Xukuumadda looga fadhiyey inay sii ambo-qaaddo waan-waan qabyo ah iyo qodobbo aan dhammaystirnayn oo Wasiirrada arrimaha gudaha iyo Qorshaynta Qaranku ku xalliyeen khilaaf ka dhashay hirgelinta Wershadda labaad ee Sibidhka oo hadheeyey magaalada Berbera.
Hase-yeeshee, dhammaystirka waan-waantaa beddelkeeda waxay Xukuumaddu ku tallaabsatay inay bilawdo arrinta Weji-ku-macaash oo dad badani u arkaan inay halkay wax marayeen ka sii fogeyn karto, balse baytal-qasiidka ay Xukuumaddu ka leedahay u muuqdo mid ay taageero ugu raadinayso qorshaha ay doonayso in Shirkadda Dahabshiil ku hirgeliso Wershadda labaad ee Sibidhka ee magaalada Berbera, ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo heshiis lagu dhisayo wershaddaas labaad sannadkii hore u saxeexay Shirkadaha Dahabshiil iyo Telesom, balse ay Telesom dhinaceeda heshiiskaas ka baxday, ka dib markii ay aragtay in khilaaf iyo muran Ganacsatada iyo qaar ka mdia dadka reer Saaxil kala horyimaaddeen heshiiska Wershaddaas labaad, gaar ahaan Ganacsato badan oo Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin u saxeexday hirgelinta Wershaddii hore ee Sibidhka Berbera, kuwaasoo ku doodaya inaanay Somaliland wada qaadi Karin laba Wershadood oo magaalo ku wada-yaalla oo Sibidh kaliya soo saara, taasoo hakad gelisay hindisaha Xukuumadda Siilaanyo iyo Shirkadda Dahabshiil.
Toddobaadkan ayaa Xukuumadda laga filayey inay ambo-qaaddo qodobbada qabyada ah ee Wasiirrada Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire iyo Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ay Xukuumaddu u xil-saartay daminta khilaafka ka dhashay Wershadda Sibidhka Berbera ee labaad, ayaanay u dhaqaaqin, isla markaana waxay isu keentay oo tallaabooyinka Weji-ku-macaashka ay taageerada ugu raadinayso oggolaanshaha reer Saaxil ee Wershaddaas, Warbaahinta horkeentay 19 Suldaan oo ka tirsan Salaaddiinta Beelaha Somaliland, kuwaasoo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hudheelka Xaraf ee magaalada Hargeysa.
Ugu horreyn Shirkaa Jaraa’id ee Salaaddiinta Xukuumaddu soo abaabushay maanta ku qabteen Huteel Xaraf waxa ka hadlay Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo ka mid ahaa Salaaddiintaasi la isu keenay, waxaanu sheegay in Shacbigu dareemo inay u siman yihiin oo uu ka wada dhexeeyo dhulka Somaliland, isla markaana waxa uu soo jeediyey in la soo dhaweeyo cid kasta oo dalka maal-gashi ku samaynaysa. “Waxaannu taageeraynaa in dalka maal-gashi laga sameeyo iyo shaqo-abuur, isla markaana la soo dhaweeyo maal-gashiga Shirkadda Dahabshiil ku samaynayso Wershadda Sibidhka ee magaalada Berbera.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar.
Suldaan Ibraahin waxa uu xusay in Xukuumaddu ay u xil saaran tahay inay dadka u fududayso sidii Somaliland loo maal-gashan lahaa, waxaanu intaas ku daray inay dawladda ku garab-taagan yihiin soo afjaridda iyo Xal-ka-gaadhista arrinta Wershadda Sibidhka ee magaalada Berbera.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Suldaan Axmed-nuur Samaalle, oo sheegay in ummaddu dareento wax isu ahaanshaha iyo wada-dhalashada ka dhaxaysa, isla markaana ay wada degi karaan gobol kasta oo ka mid ah Somaliland.
Waxa iyaguna Madashaas ka hadlay Salaaddiin door ah, waxaanay dhammaantood soo jeediyeen inaanay Ummadda reer Somaliland kala lahayn Dhulka Somaliland, isla markaana aan la kala sheegan Karin khayraadka Somaliland.
Inkasta oo aanay xumayn in Madaxda Dhaqanku ka shaqayso isu soo dhawaynta qaybaha bulshada ay Dhaqanka u qaabbilsan yihiin, haddana hadalkani uma muuqdo mid xal u noqon kara khilaafka ka taagan Wershadda labaad ee Sibidhka ee la rabo in laga hirgeliyo magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxaanu taa beddelkeeda noqon karaa mid Dab ku sii qaban kara khilaafka iyo muranka marka hore-ba taagnaa, isla markaana sii fogayn kara xalka looga fadhiyey inay Xukuumaddu arrintan ka gaadho oo ay dhammaystirto qodobbada qabyada ah ee ay hore Wasiirradu khilaafkan ka gaadheen, kuna qanceen inta badan cidda ay arrintu khusaysay, isla markaana sugayeen in halkaa laga sii ambo-qaado oo Hargeysa lagu dhammaystiro sida ay sheegeen labada Wasiir.
Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Somaliland oo iyadu dadka iyo dalka masuuliyadi ka saaran tahay, waxa looga fadhiya xal u helidda khilaafka ka taagan Wershadda labaad ee Sibidhka Berbera, taasoo ay iyada u taallo inay go’aan dhinac kasta qanciya ka gaadho muranka taagan, hase-yeeshee, barnaamijka weji-ku-macaash ee ay Kharashka ku bixinayso, isla markaana sumcadda kaga dilayso Madaxda Dhaqanka, waa mid wax uu kala fogeeyo mooyee natiijo fiicani ka dhalan karaynin, Xukuumadda lafteedana sumcad-xumo iyo karaamo-darro u horseedi kara, sidoo kalena ay ku caayeyso caqliga ummadda ay masuulka ka tahay. Sidaa daraaddeed, wuxuu qalinku kula talinayaa Xukuumadda inay wax ka beddesho sida ay hadda wax u waddo, isla markaana qaaddo tallaabooyin geesinnimo iyo kudhac leh oo dalka iyo dadka loogu danaynayo, iyada oo looga fadhiyo inay si sinnaansho leh u qanciso dhinac kasta oo arrintani saamaynayso oo tabasho qaba. Taasna waxa uu qalinku u arkaa inay tahay jidka kaliya ee xalka khilaafka lagu suulin karo, isla markaana lagu gaadhi karo jidka horumarka iyo hirgelinta maal-gashi dibedeed iyo mid gudaha ah-ba.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=12718




-
Designed by
Salaadiintan dawladu soo diratay ee shirarka jaraaid qabanaya hadii nin reer Saaxil ahi beer abaareed ka samaysto degaanadooda way ka burburinayaan laakinse ta Saaxil dadka oo dhan ayey ka dhaxaysaa gardaradii Berbera lagu sameeyey sagaashanaadkii waa la ogaa wixii ka dhacay tana cid xoog ku dhisi karaysaa ma jirto waxaase Siilaanyo u fiican in uu riwaaayada ka baxo oo si xaqsoor ah wax u qabto hadii taa la waayo reer Berbera way yaqaanaan siday deegaankooda u ilaashadaan.
ha la digtoonaado, waxy qaloocatay markii rag waraaqo guntiga ku haysta
la yidhi gudi reer baa tihiin !!!!!.
( conflict of interest)
SXB, Qalinkaagu Khadku kama dhamaado
Asc waxaa aad layaab u leh werrshadani miyaamay hanti qaran ahayn, ma waxay somaliland oo dhani raali ka tahay in waxa dadka iyo dalku wada leeyahay nin la siiyo waa yaab, malaa ceel batrool ah hadaynu helona nin baaba la siin cajiib waar hoy caqligaa yar ee maalinba afar oday hudheel lagaga qadaysiinayaa wuu soo koobmiye maa la joogo; bal dawladan aad moodo in aanay wax awood iyo talo ahba lahayn ee kolba afar oday oo qadhaadhoonaya intay geed hoostii taagto odhanaysa qayliya bal eega wuxu ma jabhadba may iyadu ummadda wax kala tiraahdo, halkaa waxaa laga garanayaa in aanay xaq ku socon taas baana u diidaysa inay wax maamusho waxay somalidu ku maahmaahdaa nin gunti xumi inuu wax qarsanayaa la moodaa, bal aan eegno gunti-xume meeshuu geeyo waxa uu qarsanayo.
Kuwani Salaadiin maaha ee waxa la yidhaa DHAAMEEL KA DHURSUGAYAAL markaa dhaameelkooda ha iska qaataan laakinse wax Berbera uga hagaagayaa ma jiraan ta soconaysaa waa ta reer Saaxil doonayaan.
Alaylehe qalinkaaga khadku kama dhamaado waar odayaashan magac baad u heshay xarago waxaa la ogaa ama la yaqaanay madaxdhaqameed ka shaqeya isu soo dhawyn goormuu noqday prepaid u hadla cida dan leh laakin iyagu sidaa ma xalbay u arkaan miyanay ogayn in ay wax sii kala fogaynayso.
Aduunyooy xalkaa be waxaa la arki doonaa maareeyayaal iyo madaxxweune isna noqda postpaid hadaan sidan wax laga bebelin
Berberi wax go’ lagu qaado ka weyn, haddii lawada dheefayo ok haddii kale maya