Xukuumadda Siilaanyo oo sharciyeysay ku dhaqanka Musuqmaasuqa, Masuuliyiin Hanti-boob ku kacay oo xilal sii-haya iyo Baadhitaan Hanti-dhawrku ka waday oo la joojiyey

Custom Search

 

Hargeysa-(Berberanews)-Hanti-dhawrka guud ee Qaranka Somaliland ayaa ku fashilmay inuu sii wado, isla markaana natiijo dhammaystiran ka soo saaro baadhis horraantii bishan uu ku bilaabay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland oo musuqmaasuqii ugu ballaadhnaa abid hay’ad dawladeed ku kacdaa hadheeyey.

Madaxtooyada Somaliland, oo la sheegay inay marka hore amartay baadhista Hanti-dhawrka guud ka bilaabay Wasaaradda Warfaafinta, ayaa la sheegay inay hadda is-hortaagtay baadhistaas, isla markaana amar ku bixisay inaan la sii wadin ee la joojiyo, ka dib markii baadhitaanka la sameeyey lagu ogaaday musuqmaasuq Boqollaal kun oo Doollar lagu lunsaday, caddaymaha qaabka loo lunsaday iyo cidda lunsatay, iyada oo arrintaa loo xidhay Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee TV-ga Qaranka Mr. Xasan Maxamuud Maxamedoo dhawr maalmood ku xidhnaa xarunta Ciidanka baadhista dembiyada Booliska ee C.I.D-da.

Xadhigga Agaasimahan maamulka iyo lacagta ee TV-ga Qaranka, ayaa soo dhaweeyey in la ogaado isaga ka sokow masuuliyiinta ku kacday Musuqmaasuqaas oo lagu tilmaamay kii ugu badnaa ee mid ka mid ah Hay’adaha dawladda Somaliland intii ay Somaliland jirtay inuu Wasaaraddaas ka dhacay, gaar ahaan qaybta Telefeeshinka Qaranka.

Masuuliyiinta musuqmaasuqaas inta ugu badani gashay ee Wasaaradda Warfaafinta soo maray intii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada haysay, ayaa ah Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas Cabdillaaji Jaamac Cismaan (Geel-jire) iyo Agaasimihii guud ee Wasaaraddaas Faysal Cali Sheekh oo dhawaan loo beddelay Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland, kaasoo warbixinaha iyo caddaymaha ay heleen baadhayaasha Hanti-dhawrka guud muujiyeen in masuulka musuqa ugu badan ku kacay yahay Faysal Cali Sheekh, halka Agaasimaha TV-ga Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul la sheegay in isaga laftiisa baadhitaanka lagu ogaaday musuqmaasuqa lagu kacay inuu in badan oo ka mid qayb ka ahaa.

Hase-yeeshee, iyada oo baadhitaanka Hanti-dhawrku waday weli sii socda, ayaa Madaxtooyada culays badan lagu saaray sida la sheegay inaan shaqsiyaadka uu galay ee ku kacay musuqaas baahsan wax tallaabo ah laga qaadin, waxaana arrintaa la sheegay inay si weyn uga hawlgaleen Salaaddiin, Odayaal, Siyaasiyiin iyo dad kale oo magac leh oo ay xubnaha musuqa ku kacay isku beelo ka soo jeedaan, kuwaas oo ila-wareedyo kala duwani Berberanews u xaqiijiyeen inay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo Madax-dhaqmeedka iyo Siyaasiyiintu ka dalbadeen in baadhitaanka la joojiyo, isla markaana aan wax dembi ah lagu qaadin xubnaha musuqmaasuqa sameeyey oo dhammaantood weli Xukuumaddiisa ka tirsan.

Xogahan ay Berberanews heshay waxay intaa ku dareen in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo dalabyadaas oo lagu soo jeediyey kulammo dhawr maalmood iyo dhawr habeen u socday loogu soo jeediyey, ka dibna la amray in la joojiyo baadhitaanka uu Wasaaradda Waraafinta ka wado Hanti-dhawrka guud ee Qaranka oo isaga qudhiisa lagu xanto in inta badan hawlgallada baadhitaan ee uu sameeyaa noqdaan kuwo bilaa natiijo ah oo ama laaluush lagu joojiyo ama amar Xukuumadda ka soo baxa lagu joojiyo, waxaanay hawshan uu ku guda-jiray ee hadda la hakiyey-na ku noqonayso mid sii kordhinaysa dhalliilihii iyo fadeexadihii uu ku kasbaday baadhitaannada natiijadooda la waayey ee uu sameeyey Hanti-dhawrku Wasaaradda Warfaafinta ka hor. Waxaana muuqanaysa inaanu Hanti-dhawrku ahayn Hay’ad u madax-bannaan shaqada ay Qaranka ugu magacaaban tahay, waxaana muuqata in madax-bannaanidii Hay’adda Hanti-dhawrka looga baahnaa inay yeelato mid ay hor-taagan yihiin arrimo dhaqaale iyo daacad la’aan dhinaca Xukuumadda kaga timaadda marka uu hawlgal sameeya-ba.

Waxay bil kasta dhegahaagu maqlayaan Hanti-dhawrka guud ee Qaranka oo baadhitaan ku bilaabay hay’ad dawli ah, hase ahaatee, waxaan suuragal ahayn hore-na u noqon inaad maqasho warbixin baadhitaan dhammaystiran oo natiijadeeda Hanti-dhawrku soo saaray. Waxaanay Hay’addaasi u muuqataa mid ku fashilantay shaqada magaceedu xambaarsan yahay.

Si kastaba, ha ahaatee, Xukuumadda talada haysa ee uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo hoggaamiyo, ayaa iyaduna u muuqata mid ku guul-darraysatay waxyaabihii ay Shacabka u ballan-qaadday iyo masuuliyadda Qaranka ka saaran ee dhinacyada la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo badbaadinta hantida Qaranka, waxaana joojinta baadhitaankan Hanti-dhawrku ka waday Wasaaradda Warfaafintu muujinayaa inay Xukuumaddu dhaqan-gelisay sharcinnimada musuqmaasuqa iyo boobka Hantida Qaranka ee ay Bulshada Somaliland masuulka uga tahay, maaddaama oo ay amrayso masuul kasta oo musuqmaasuq lagu helo in baadhitaanka laga joojiyo, isla markaana Xukuumadda ka sii mid ahaado oo xilka uu hayo sii wato.

Marka laga reebo Xubno dhawr bilood lagu xukumay xabsiyo kala duwan, ka dib markii lagu eedeeyey inay musuqeen Raashin caawimo ahaa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje), Agaasimihii guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cilmi Dirir iyo La-taliyihii Madaxweyne Ku-xigeenka Cismaan Siciid Jaamac, kuwaasoo inta xilka laga qaaday Xabsigana loo taxaabay, ka dibna Maxkamadda Gobolka Hargeysa xukunno kala duwan oo xadhig ah ku ridday, balse xadhiggooda, xukunkooda iyo xil-ka-qaadistooda-ba lagu eedeeyey Xukuumadda inay ahayd ujeeddo siyaasadeed.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

 

 

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19503

Posted by on Aug 12 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta