Xukuumadda Somaliland iyo Ururka SOLJA oo Heshiis Isfaham ka gaadhay khilaafyo muddooyinkan u dambeeyey dhexmiranayay Warbaahinta Madaxabannaan iyo Dawladda

Hargeysa (Berberanews)- Xukuumadda Somaliland iyo ururka suxufiyiinta ee SOLJA, ayaa heshiis isfaham ka gaadhay khilaafyo muddooyinkan u dambeeyey u dhexeeyey qaar ka mid ah hay’adaha warbaahinta madaxabannaan iyo xukuumadda Somaliland.

Kulamo dhexdhexaadin ah oo dalladda ururrada dhallinyarada Somaliland ee SONYA isku soo horfadhiisisay ururka SOLJA oo wakiil ka ah saxaafadda madaxbannaan ee dalka iyo xukuumadda Somaliland 17kii iyo 20kii bishan January 2012, kadib waxa ay labada dhinac si rasmi ah u kala saxeexdeen heshiis isfaham ka kooban 5 qodob oo lagu soo afjaray khilaafyadii u dhexeeyey xukuumadda iyo warbaahinta xorta ah ee Somaliland.

Heshiiska isfahamka ah xukuumadda iyo saxaafadda madaxabannaan u kala saxeexeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md. Faysal Cali Sheekh Maxamed iyo Guddoomiyaha ururka SOLJA Mr. Xasan Maxamed Yuusuf, kuna taariikhaysan 21kii bishan January oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Berberanews waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan; “Iyada oo laga duulayo qodobka 32-aad ee Dastuurka Qranka oo amraya madax-bannaanida xorriyatul-qawlka, Saxaafadda madaxa-bannaan iyo hab waafaqsan indaamka xallinta khilaafaadka ee ay Somaliland ku caano-maashay ee dhaqanka  ay u leedahay, isla markaana uu jideyey Dastuurka Qaranku sidii loo demin lahaa khilaaf sii baaha. Waxa 17 January 2012 la qabtay kulammo saddex-geesood ah oo ay soo qabanqaabiyeen Dalladdda Ururada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo dhex maray Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Xukuumadda, Xeer-ilaaliyaha guud iyo Garyaqaanka guud ee Qaranka oo isku dhinac ah. Kulammadaas oo qastigoodu ahaa sidii loo dhammayn lahaa xurgufta iyo isfaham-la’aanta ka dhex aloosantay Xukuumadda iyo Warbaahinta. Ka dib wadahadal iyo doodo dhaadheer oo lagu falanqaynayey isfahami-waagaas iyo wixii caqabado ah ee jira waxa laysla gartay qodobban:

1-       In ay Xukuumaddu faafiso oo la dhaqan-geliyo Xeerka Saxaafadda ee Xeer Lambar 27/2004 oo hore ay Baarlamanku u ansixiyeen, isla markaana Madaxweynihii hore sexeexay hirgelintiisa.

2-       In wixi qabyo ah eek u jira Xeerka Saxaafadda iyo dhammaystirka qabyadaas ay ku wada tashadaan dhinacyada ay khusayso oo Saxaafadu ku jirto.

3-       In Saxaafaddu si deg-deg ah u dhisto una hawl-geliso Guddiga anshaxa Saxaafadda.

4-       In meel looga soo wada-jeesto ilaalinta nabadgelyada iyo dhawrista Qarannimada Somaliland.

5-        In ay Xukuumaddu dhiirrigeliso, kana qayb qaadato horumarinta Suxufiga iyo Saxaafadda.

Waxa wada saxeexay Xasan Maxamed Yuusuf Guddoomiyaha SOLJA iyo Faysal Cali Sheekh Maxamed Agaasimaha guud ee Warfaafinta.”

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com




%d bloggers like this: