|

Xukuumadda Somaliland oo shaacisay in Carwo nooceedu dalka ku cusub yahay lagu qabanayo Hargeysa

Custom Search

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa, ayaa daboolka ka qaaday in magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland markii ugu horreysay lagu qabanayo Carwo caalami ah oo aan nooceeda hore luugu qaban dalka.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo manta  Shir Jaraa’id xafiiskiisa ku qabtay, ayaa sheegay in Carwo cusub oo Hay’adaha Samo-falka ee Waddaniga ah iyo kuwa Caalamiga ah ee Somaliland ku sugani ku soo bandhigi doonaan waxqabadkooda, taasoo uu sheegay Wasiirku in lagu qaban doono Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay socon doonto 29 illaa 30-ka bishan aynu ku guda jirno ee August.

Mar uu Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad ka hadlayay ujeeddada Carwadan nooceedu ku cusub yahay Somaliland ay tahay mid ay hay’adaha samo-falka ee Waddaniga ah,kuwa Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ay ku soo bandhigayaan waxqabadka ay ka hirgaliyeen Somaliland, isla markaana ay bulshadu uga helaan fursad ay ku waraystaan hay’adahaas.

Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu xusay inay noqonayso markii u horaysay ee hay’adaha kala duwan ee Somaliland ku sugani ay umada u soo bandhigaan hawl galada ay sameeyeen. Carwadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee lagu qabto dalka Somaliland.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19824

Posted by on Aug 21 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta