Xulalka Germany Iyo Portugal Oo Ka Soo Baxay Group B, Denmark Iyo Holland oo Cawda Loo Jaray.
Germany (Berberanews Sports):- Xulalka Germany Iyo Portugal ayaa Xalay ka soo baxay Group B waxeeyna Kulamo ay la ciyaareyn laba Xul ee cawda loo jaray ee Denmar iyo Xulka aan Dhibic ka qaaday Koobka Euro 2012 ee Holland.
Ciyaar aad u xiisa Badan oo Dhexmartay Xulalka Germany iyo Denmark ayaa ku soo idlaatay Natiijada Ciyaarta Germany 2 1 Denmark Taas oo ka dhigeeyso in Xulka Germany 3 Kulan iyo 9 Dhibcood uu kaga soo baxo Group B iyo Xulka Denmar oo asne 3 Kulan iyo 3 Dhibcood ayuuna ku hadhay.
Dhanka Kale Xulka Caawa Hamiga Weyn is galiyey ee rabay in uu Dar-daro Xulka Portugal ee Holland ayaa xalay Guuldaradii Saddexaad la dhadhan siiyay Waxaana xalay Daaqada toos uga tuuray Cristiano Ronaldo oo Laba Gool oo midba kan kale ka khatarsan ka dhaliyay waxuuna caawa Xulkiisa ka caawiyay in uu ka soo saaro Group B.
Xulka Portugal ayaa ka faa’ideestay Guuldarada soo gaadhay Xulka Denmark waxuuna si fudud uga talaabay Xulka Holland kadib Ciyaar ay kaga hor yimaadeen oo ku dhamaatay Portugal 2 1 Holland.
Sida loo kala sareeyo Group-kaan.
Group B:
Germany 9 Dhibcood
Portugal 6 Dhibcood
Denmark 3 Dhibcood
Holland 0
Laba Xul ee ka soo baxay Group B waxeey la ciyaari doonaa Labada Xul ee ka soo baxay Habeenhore Group A.
Czech Republic Vs Portugal
Germany Vs Greece


� 


� 
�






Mustafe Maxamud Diiriye
kastam@berberanews.com
Berberanews Sports
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17399




