Xusuusta Maanta Oo Kale 21 October 1969 iyo Khudbaddii Ugu Horreysay Ee Maxamed Siyaad Barre Jeediyey!

Hargeysa(Berberanews):- Maanta oo ay taariikhdu tahay 21-ka October sannadkan 2013-ka, waxay ku beegan tahay 44-guura ka soo wareegtay markii ay ay Xukun Millateri talada dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Dimuquraaddiga Soomaaliya oo ka koobnaa Somaliland iyo Soomaaliya koonfurta oo dawlad ahaa Sagaal sano ka dib markii ay Xornimada ka qaateen Talyaaniga iyo Ingiriiska oo kala gumaysan jiray kula wareegeen 21 October 1969 oo ay Ciidammadii Xoogga dalka Soomaaliyeed Afgembi ku qabsadeen hoggaaminta.

11517Saraakiishii Millateri ee Ciidammada Soomaaliyeed ee Afgembiga ku sameeyey dawladdii Rayidka ahayd maalmo ka dib markii la dilay Madaxweynuhu Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke isagoo safar ku marayey waqtigaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halka Raysal-wasaarihii Xukuumadda rayidka ahayd oo markaa ahaa Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal uu Safar ugu maqnaa dalka dibeddiisa, waxaanay Saraakiishu Madaxweyne u cumaamadeed Generaal Maxamed Siyaad Barre oo markaa ahaa Taliyaha Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Waxa ay Ciidammadu mar qudha la wareegeen talada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxa waddooyinka iyo meel walba la dhigay Ciidammo Millateri ah, waxa magaalooyinka waaweyn lagu soo rogay Bandoo muddo maalmo ah soconaysay oo ka bilaabmaysay afarta galabnimo illaa tobanka subaxnimo. Dadweynaha ayaa badi aad u soo dhaweeyey tallaabbada ay Ciidammadu xukunka kula wareegeen, waxaanay kalsooni buuxda iyo taageero isla garab-taageen dawladda Millateriga sida ka muuqata khudbad uu Madaxweynihii Soomaaliya ee Millaterigu Cumaamaday Maxamed Siyaad Barre (Af-wayne) jeediyey laba maalmood ka dib markii ay Af-gembiga sameeyeen.


Haddaba, Kacaankaas dawladdii ka dhalatay waxay Soomaaliya u horseedday sannadihii ugu horreeyey guul iyo badhaadhe, waxa ay dawladda Millateriga ee uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre qabatay wax badan oo ay ummadda Soomaaliyeed tabaysay, waxay hirgelisay mashaariic badan oo horumarineed iyo Wershado taabbo-gal noqday, waxay curisay qoraalka Af-ka Soomaaliga, iyo waxyaabo badan oo aan qalin iyo qoraal toona lagu soo koobi karin. Hase-yeeshee, waxaasiba waxay is-beddeleen markii Kacaanku weji kale iyo car-juuqdhe uu la yimi iyo seefla-boodnimo ciddii hadashaba kurta la hor-dhigay.

Waxaaynu qoraalkan ku soo qaadanaynaa Khudbaddii ugu horreeyey ee uu Marxuum Maxamed Siyaad Barre markii ay Afgembiga tala kula wareegeen 21-kii October 1969, ka dib laba cisho la wareegiddii xukunka oo ku beegnayd 23-kii October 1969 ayuu jeediyey Khudbaddan oo aannu qoraal ahaan idiinku soo gudbinayno caddadnkeennan maanta, waxaanu khudbaddaasi ku shaacinayaa Maxamed Siyaad Barre ujeeddada iyo hadafka Millaterigu Afgembiga xukunka ugula wareegay, qaabka ay dalka u hoggaamin doonaan, himiladooda iyo sida ay Millaterigu uga soo horjeedaan gumaysiga waddammada Reer Galbeedku ku hayeen dalalka Qaaradda Afrika oo dhan.

Haddaba, khudbaddii ugu horreeyey ee uu Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre 23-kii October 1969 u jeediyey dadweynaha oo uu ka jeediyey magaalada Muqdisho waxay iyadoo qoraal ah u dhignayd sidan:- “Waxaan doonayaa inaan caddeeyo sababtii ku wacnayd la wareegidda dalka oo ay Ciidammada Qalabka Sida ku tallaabsadeen, waxaan kaloo doonayaa dadkeennu in ay ogaadaan wax waliba in ay caadi yihiin, wax dhibaato ahina aysan ka imaan taladii ciidammada dalka oo idil, wuxuu gacanta ugu jiraa Xoogga Dalka iyo Booliiska, dadweynuhuna waa ku raalli, waana degganyahay, oo waa ku faraxsan yahay.

Lama huraan bay ahayd Ciidammada Qalabka Sidaa in ay talada dalka soo fara gelshaan, mana suuroobeyn in la iska indha-tiro xummaantii dalka tiillay, sida musuqmaasuqa, laaluushka, qaraabakiilka, tuugeysiga xoolaha dawladda, caddaalad-darriida, xormo-darrida, Diinta iyo qawaanninta dalka oo sharciyaddii ka degsanaa la iska tuuray, dadkiina waxaa loo horseeday in ay ku kacaan wax alla wixii ay doonaan.

Ma jirto koox ama qoys raaxo ku noolaan kara haddi aysan qawaaniinta iyo xeerarka maamuus u yeelan, haddii qawaaniinta la tuuro, wax horumar ah oo ummadi gaadhi kartaa ma jiraan, waxaynu u soo joognay dhibaatooyin fara-badan oo ay ka mid ahaayeen ku-takri-falka xoolaha dawladda iyo hantida Qaranka, cashuurtii dadweynaha laga soo ururiyey ayey madaxdu danahooda ugu isticmaali jireen, dalka oo idilna waxa loo adeegsaday sidii hantii gaar ah loo leeyahay, taasoo ummadda halis gelisay, gacan cadowna gelin lahayd.

Musuqmaasuqii wuxuu socdaba wuxuu heerkii ugu sarreeyey gaadhay madaxdii dalka in la dilo kolkii lagu dhiirraday burbur eyey Soomaaliya qarka u saarnayd, xag dhaqaale, iyo xag siyaasdeedba, taariikhdeenna iyo Qarankeennuba halis weyn bay ku jireen.

Annagu waxaannu ahayn Gaadh-hayayaasha dalka iyo xeerarkiisa, haddana waxaa naloo dhaariyey danaha ummadda, sidee baynu isu moogeysiin karnaa kolka qawaaniintii aan waardiyaha ka ahayn ay burburinayaan?

Taas baana sabab u ahayd soo fara-gelintii arrimaha dalka aynu soo fara gelinnay, ruuxii u qaata awood-raadis inaannu kursiga u nimid waa gefsan yahay, waxaannu u nimid qawaaniintii dalka inaannu soo celinno, ummaddana halkay mudan tahay aannu soo joojinno, khasab bay ahayd si degdeg ah inaannu tallaabo u qaadno. Haddaynu arrintii dhawaan ka dhacday dalka dib u noqonno waxaynu arki karaynaa dal nabad ahi sidii khalkhal loo geliyey.

Askari aysan is-aqoon oo wax eed ah lahayn ayaa dilay Cabdirashiid Cali Sharmaake. Iyadoo ay joogaan Hoggaamiyayaashii dalka oo ay ku jiraan Guddoomiyihii Baarlamaanka ayuu Askarigaasi  Madaxaweynihii rasaas ku furay.

Sidee baynu arrimahaas iyo kuwa kale oo la mid ah oo ay dadka Soomaalidu ogyihiin ugu dul-qaadan karnaa, waxaan rejeynaynaa annaga oo Illaaha weyn la kaashanaynaa inaan tirtirno xummaanta dalka ka jirta oo aannu raaxo iyo barwaaqo ugu beddelno, dadkeennana u suurto-gelinno nabadda ay u baahan yihiin, umana dul-qaadan doonno qas-wadayaasha iyo kuwa qawaaniinta jebinaya.

Waxaannu doonaynaa Dastuurka in la dhowro, dadkuna ay ilaaliyaan isna ixtiraamaan. Waxaannu baabi’in doonaa laaluushka, qaraabakiilka, iyo qabyaaladda, qabyaaladdu waxay ahayd waddadii keli ahayd ee ay sisheeyuhu dadkeenna u qaybiyeen.

Waxaannu la dagaallami doonnaa nooc kasta oo gumeysi ah iyo kuwa u adeega ee dalka gudihiisa ku sugan, kuwa iimaan-laawayyaasha ah ee la qabto iyagoo xummaan ku kacaya dadkeenna ayaan hor-keeni doonnaa, dabadeedna muwaadiniinta kale ee toosan waan ka takoori doonnaa. Waddo kasta oo uu gumeysigu dalkeenna iyo arrimihiisa ka so geli kara waannu awdi doonnaa, qawmiyad Soomaaliyeed oo xoog leh haddana midaysan, nabadna ku wada nool ayaannu dhisi doonnnaa.

Haddii loo baahdo xoogga aannu haysaanno oo dhan ayaannu ku adeegsan doonnaa, si aynu u xoojinno Diinta Islaamka oo lagu cayaaray, waxaannu doonaynaa Soomaaliya inaan ka dhigno waddan sharaf leh, dibedda iyo gudahaba, waxaannu dadka Soomaalida ah u horseedeynaa barwaaqada dhulka ku aasan in ay kala soo baxaan, iska daayaan baryada ummadaha kale.

Waxaan doonaynaa saaxiibnimada ummadaha kale ee doonaya in ay nala saaxiibaan, nabadda adduunka ayaannu taageereynaa, waxaannuna ka hor-jeednaa wax alla wixii wax gumeysta ama gudaha dalka hajoogeen ama dibeddaba.

Dadka Soomaaliyeed iyo dalkooda, annaga oo ka wakiil ah, ayaannu talada la wareegnay, waxaan jeclaan lahaa dadka Soomaaliyeed oo idil inay u tafo-xeytaan dhismaha dalkooda, in ay dhisaan ummad xoog leh, xoog iyo awood iyo maskax waxay haystaan inay u isticmaalaan horumarka dalkooda baryadan ka fogaadaan.

Sidaad Raadiyaha ka maqasheen, waxaa la qabtay Baabuur dawladdu leedahay oo Tagsi laga dhigtay, saddex maalmood oo qudha ayaannu talada dalka haynay, danta aannu leennahayna tallaabadaas aan qaadnay baa u marag ah, dadka Soomaaliyeed oo idil, waxaannu ka codsanaynaa in ay nala shaqeeyaan, si aannu u xaqiijinno horumar iyo guud ahaan hagaajinta xaaladda.

Gumeystayaasha doonaya inaannu mar walba barinnana waxay rabaan inaan gaajo, cudur, iyo jahli ku waarno, been badan ayey fidin doonaan, si ay danahayaga nadiifka ah u beddelaan oo weji xun u yeelaan, waxay isku dayi doonaan inay adduunka iyo weliba dawladaha Afrika beentoodaas ka dhaadhiciyaan, beentaas ka sokow, magacyo xun-xun ayey innoo bixin doonaan.

Hadda oo la joogo waxay urursanayaan hub, lacag, iyo wax alla wixii ay nagula dagaallami karaan. Waxaan ku faraxsanahay Midnimada Ciidammada Qalabka Sida iyo Ummadda Soomaaliyeed, ummaddu waxay na siisay tageero dhab ah, taasoo aan ka mahad-celinayno.

Midnimada Ummadda Soomaaliyeed ha noolaato. Ha noolaato Tawradde dalkeennu.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.




%d bloggers like this: