Xuutiyiinta Yemen oo Xeebaha Badda Cas ku weeraray Markab shiidaal oo Sucuudigu leeyahay

Yemen-(Berberanews)-Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in Xuutiyiinta Yemen ay badda cas ku weerareen Markab nooca shidaalka qaada oo halkaasi marayay.

Afhayeen u hadlay isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga oo in muddo ah dagaal kula jiray Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in waxyeelo ay soo gaadhay markabka, balse halkaasi uu kasii ambabaxay.

Xuutiyiinya Yemen ayaa sheegay inay badhtilmaameedsadeen maraakiib dagaal oo ay leeyihiin isbaheysiga Sacuudiga.

Falkan ayaa dhacay iyadoo hey’adda Qaramada midoobay ay ku howlantahay shir dhaqaale loogu uruurinayo xaaladda baniaadanimo ee dalkaasi.

Xoghayaha guud ee Qamada midoobay, Antonio Guterres ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahaadalada nabadadda ee yemen.

Share Button
Please follow and like us:
0